Wararka naga soo gaaraya degmada dayniile ayaa sheegaya in Dagaal xoogan uu dib uga qarxay deganaakaasi iyadoo la isku adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan,
waxaana la sheegay in dagaalkani uu xoogiisu ka dhacaayo degaanka T-da iyo xeradii Bangalo ee Ciidamada Dowaladii Siyaad Barre.
Wararka ayaa sheegaya in xalay dhawaqa madaafiic goobta, Pm-ka, kuwa Taangiyada iyo Rasaasta yar yar laga maqlayay qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho, waxaana Goobo jooge uu sheegay in dagaalkii xalay iyo kan saakay socda lagula wareegay gaadiid dagaal oo ay iska lahaayeen Ciidamada Burundi.
Gaari uu ku rakibanyahay qoriga nooca lidka Diyuuradaha ee Zuu-ga ayaa la sheegay in la la wareegay, waxaana sidoo kale jira gaari Sahay iyo Hub u siday oo isna bas beelay kadib markii lala helay qori RBG ah., Dagaalkaan ayaa imaanaya xili Caawa ay degaanka soo gaareen Maleeshiyaad gurmad ah oo uu hogaaminaayo Horjoogaha Shababka Godane kuwaasoo ku soo biiray dagaalka Galabta qorax dhici.
Dagaalkani ayaa noqonayaa mid aan kala joogsi laheyd tan markii ay Ciidamada Dowlada oo kaashanaya kuwa Amisom ay qabsadeen qeybo ka mid ah degmada Dayniile.
↧
Dagaal faraha laga gubtay oo ka qarax dayniile
↧