Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalkaKenyaayaa waxay sheegayaan in ciidamada amaanka ay howlgalo ka sameeyeen xaafadda Soomaalida ku ee Islii iyagoo ku soo qabqabtay dad soomaali ah, kuwaasi oo ay ku jiraan Dhaqaatiir soomaaliyeed.
Ku xigeenka afhayeenka ciidamada Booliiska Dalka Kenya Charles Owino ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay qabteen oo xireen laba ka mid ah Dhaqatiirta Soomaalida oo deganayaa xaafada Islii
Sarkaalka ciidamada Booliiska u hadlay waxaa uu meesha ka gaabsaday inuu faahfaahiyo Dadka ay qabteen Magacyadooda iyo sababta loo xiray isaga oo warkiisa ku soo kooban in lala xiriirinayo arimo Argagaxiso.
Ku xigeenka afhayeenka Booliiska waxaa uu sidoo kale xusay in Dadka la qabtay manta oo jimce ah la horgeyn doono sharciga eedeymaha loo haystana halkaas laga sheegi doono, dowlada Kenya ayaa wixii ka danbeeyay Afduubka Dadka ajaanibka ah ee lagu qafaashay dalkeeda waxaa ay qaatay weeraro ay ku baacsaneyso kooxaha afduubka ka geystay dalkeeda kuwaasi oo looga cabsi qabo inay xiriir dhow la leeyihiin Alshabaab.
Saraakiisha DowladaKenyaayaa horey wacad ugu maray inay cagta marin doonan cid kasta oo ay ku tuhmaan weerarada iyo afduubyada dalkeeda ka dhacay inay ka danbeeyeen waxaana uu xusay inay baaritaan ku sameyndoonan Soomaalida iyo kenyanka labadaba.
↧
Ciidamada Amaanka dalka Kenya oo xirtay Dhaqaatiir iyo Ganacsato Soomaaliyeed oo ay sheegeen in ay xariir la leeyihiin.
↧