Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ahlu Sunna oo maanta magaaladda Dhuusa Mareeb ku dishay laba nin oo ka tirsan Al Shabaab

$
0
0

Waxaa maanta magaaladda Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud lagu dillay laba nin oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, kuwaa oo lagala soo baxay xabsi ku yaalla magaaladda Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud.
Labada nin ee maanta lagu toogtay magaaladda Dhuusa Mareeb, ayay horey u soo qabatay Ahlu Sunnah, waxayna muddooyin ugu dambeysay ay ku waday baaritaano xoogan, iyadoo aysan Maxkamaddu u soo dhamaan ayaa waxaa maanta lagu toogtay magaaladda Dhuusa Mareeb.
Ciidamadda Ahlu Sunna ee magaaladda Dhuusa Mareeb, ayaa waxay xabsiga magaaladda Dhuusa Mareeb ay kala baxeyn labadaasi nin, waxayna ku toogteen gudaha magaaladda Dhuusa Mareeb.
Hase yeeshee arintaan ayaa waxaa ka carooday saraakiisha sar sare ee Ahlu Sunna, waxayna amar deg deg ah ku bixiyeen in gacanta lagu soo dhigo ragga Ahlu Sunna ka tirsan ee maanta magaaladda Dhuusa Mareeb ku dillay labadaasi nin.
Ahlu Sunna ayaa waxay soo xirtay afar ka mid ah ciidamadeeda, oo maanta magaaladda Dhuusa Mareeb ku dillay laba nin oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab, oo muddooyinkii ugu dambeysay ku xirnaa xabsi ku yaalla magaaladda Dhuusa Mareeb.
Si kastaba ha-ahaatee Xarakada Al Shabaab ayaan weli ka hadlin arintaan, waana askarigii seddexaad oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo maanta la-toogto, iyadoo midka seddexaad maanta lagu toogtay magaaladda Garoowe ee Gobolka Nugaal.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles