Khamiisti aanu soo dhaafney ayaa ciidamo gaaraya 150 askari oo kamid ah ciidamadda Daraawiishta Puntland tobabar loogu qaadey dalka Uganda,waxaana tobabarkaasi uu socon doona mudo ku siman lix bilood ilaa iyo sagaal bilood,sida uu sheegey afhayeenka madaxtooyadda dowladda Puntland Axmed Cumar Xirsi(Libaax Joore).
Halkaan ka dhagayso Libaax Joore
Afhayeenka oo la hadleyey radio Garowe ayaa tilmaamey in ciidamadan loo qaadey dalka Uganda ay yihiin ciidamadii ugu horeeyey oo Puntland ka socda kuwaasi oo loo qaado dalka Uganda.
Waxa uu sheegey Libaax Joore in xiriirka wanaagsan ee TFG-da iyo Puntland kadib ay arintaan timid,isagoo sheegey in dhawaan magaalooyinka Garowe iyo Galkacyo ay yimaadeen masuuliyiin uu kamid yahey taliyaha ciidamadda xooga dalka Soomaaliyeed Gen:-C/qaadir Shiikh Diini oo ay waheliyaan saraakiil ka socda ciidamadda Midowga Afrika,kuwaasi oo qiimayn ku sameeyey amniga iyo baahida ciidan ee Puntland ay qabto.
Dhawaan ayey ahayd markii ciidamo ka baddan 200 oo askari toobabar loogu soo xirey dalka Ethopia,waxaana ay Puntland wadaa qorshayaal ay ku dhisayso ciidamadda Puntland,ayadona ciidamadani loo qaadey dalka Uganda ay qayb ka yihiin hawlaha kor loogu qaadayo tayacada ciidamadda Puntland.
Mtimire@gmail.com
↧
(Dhagayso) Puntland oo 150 askari tobabar ugu dirtey dalka Uganda.
↧