Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Kofi Anan oo sheegay in Meydadka Alshabaab ay soo bandhigeen Kenya ku qasbayn in ay dib uga laabtaan Soomaaliya.

$
0
0

Xog’hayihii hore ee Qaramada Midoobay Koofi Aanan ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay ku taageeraan dowladdaKenyahowlgalada ay ciidamadeeda ka wadaan gudaha Soomaaliya.
Kofi Annan oo 4-tii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa Kenya ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay Soomaaliya u galeen sababo dhanka amaanka ah, wuxuuna wadamada beesha caalamka ugu baaqay inay ciidamada Kenya ku gacan siiyaan howlgalka ay Soomaaliya ka wadaan oo uu ku sheegay inuu yahay mid amaanka Kenya iyo Soomaaliya lagu sugayo sida uu yiri.
Annaan waxa uu sheegay inKenyaay u baahantahay taageero heer gobol ah iyo mid caalami ah si buu yiri Soomaali nabad loogu soo celiyo, isla markaasna dib loogu dhiso marka la soo afjaro amaan xumida dalka ka jirta.
“Xaaladda Soomaaliya muddo badan ayey qasneyd Kenyana waxaa ku qasbay inay Soomaaliya gasho waa arrin ammaan, marka waxaan caalamka ugu baaqayaa inay Kenya ku taageeraan nabad ku soo celinta Soomaaliya ayuu yiri xog’hayihii hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan.
Sidoo kale mar uu soo hadal qaaday arrinta ku saabsan dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ee u dhaxeeya ciidamada dawlada kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo kuwa Xarakadda Al-Shabab ayuu sheegay inuu soo dhaweynayo in dagaaladu gaaraan deegaano Shababku ku sugnaa, waxa uuna arrin aan la rumeysan Karin ku tilmaamay meydadka saraakiisha Xarakadda Al-Shabab ku soo bandhigeen deegaanka Calamada oo gaarayey ku dhawaad 70-askari oo ciidamada AMISOM ka tirsanaa.
“Meydadka la soo bandhigayKenyakuma qasbeyso inay ciidamadeeda kala baxaan xaduuda Soomaaliya hase ahaatee waa ay siisocon doonaan” ayuu yiri Kofi Annand, Koffi Annand oo 73 sano jir ah ayaa xilka xog’haya guud ee Qaranada Midoobay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>