Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Faalada Halganka: Alshabaab oo soo noolaaday kadib markii ey dhinteen!!!

$
0
0

Ururka Alshabaab ayeey naftii ku soo noqotay kadib markii ay dhinteen taas oo ka dambeysay soo gelitaanka ciidamada dowladda Kenya oo weerar ku soo qaaday gobolo ey Alshabaabku ka talin jireen laakiin kamid ah dhulka Somalia ee muqadaska ah.

Ururka Alshabaab ayaa dhintay sanad ka hor kadib markii ey qarxiyeen ardaydii Hotel Shamow iyagoo halkaasi ku laaayey dhalinyaro dhakhaatiir ku noqotey dalka Somalia, saraakiil iyo madax wax ku ool u ahaa dalka Somalia oo uu ka mid ahaa Professor Caddow iyo kuwo kale. Markaas ka hor ayeey qarxiyeen salaadiin, dhalinyaro iyo madax uu hormuud ka ahaa Col. Cumar Xaashi oo la ogaa sida uu ula dagaalay ugana qeyb qaatay ka xureynta dalka ciidamdii Xabashida ee weerarka ku soo qaaday. Col. Cumar Xaashi ayaa lagu xusuustaaa inuu uga soo tegay madaxweynaha haataan dalka ka taliya iyo madaxda kale dalka Eriteriya iyagoo hoteelo jiifa isagoo sheegay inuusan hotel deganaan doonin inta ciidamo Xabashi ahi wadanka heystaan isagoo ku guuleeystay inuu qeyb wen ka qaato xoreyntii iyo dib u soo celintii dalka Somalia.

Ururka Alshabaab ayuu sakaraad xun u soo hoyday waxayna galeen kooma kadib markii baabuur qalaabi ah oo ay ka soo buuxiyeen bambooyin iyo musmaaro ay la beegsadeen dhalinyaro isugu jirtay bulsha weynta somalia isla markaasna dilay inta badan 100 arday, ardaydaas oo doonayay in dalkooda ay wax usoo bartaan, kadibna al shabaab waxay ku faaneen iney laayeen gaalo.

Galabtaas ayaa Shacabka soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo ogaaday in Alshabaabku dhinteen lana aasay subaxdii xigtay maalinta qaraxa xasuuqa.

Laakiin meeshii laga filayey in la aaso ayaa waxaa soo baxay in dowladda Itoobiya dalka soo gelisay kun askieri walow markii dambe ay ka baxeen kadib  qeylo dhaan websiyada soomalidu ka sameeyeen arintaas kadib.

Isla markii waxaa soo baxday in ciidamda Sawaaxiliga kenya ay wadanka soo galaan iyadoo aan la ogeyn mandate ey ku soo galeen wadanka iyagoo waliba aan is qarineyn ee ku faanaya iney Alshabaab kula dagaalayaan gudaha wadankeena iyagoo aan cidna weydiisan iney soo galaan wadanka.

Marka wadan fargelinayo wadan kale waa inuu ka heystaa maandate urur caalami ah sida UNka iyo ururada kale ee la mid ah laakiin Kenya illaa iyo hadda lama oga cidda u ogalaatay iney wadankeena soo galaan iyo goorta ey ka baxayaan midna.

Waxaa la ogyahay in Kenya waligeed sheegan jirtay gobolada jubooyinka ee dalka Somalia iyadoo hadda ka hor ey ku yiraahdeen Siyaad Barre haddii aad NFD sheegato anaguna Kismaayo iyo Raas Kaambooni illaa iyo Bu'aale ayaan leenahay iyagoo sheegay in dadka asal ahaan halkaasi deggan ey ka soo jeedaan Kenya taas oo ah wax lagu qoslo.

Marka laga soo tago sheegada Kenya ee gobolada Jubooyinka ayaa haddana waxaaba intaasi ka daran in Alshabaabkii baabi'iyey shacabka ey hadda si caadi ah u soo noolaaday iyagoo waliba jiifkii xanuunka ka kacay ee hadda is taagay kadib markii Kenya dalka qeyb dhan ka qabsatay iyagoo ku mar marsiyoon doona iney dalka ka xoreyn doonaan ciidamada Sawaaxiliga Kenya.

Beelaha Soomaaliyeed ee dega goboladaa Jubooyinka ayaa haatan bilaabay iney is abaabulaan iyagoo dhaar ku maray iney dalkooda ka difaaci doonaan ciidamada Sawaaxilaga ee soo weeraray dhulka Soomalia iyadoo aan la ogeyn maantdate ey ku socdaan marka laga reebo iney sheegeen inay la dagaali doonaan Alshabaabka.

Tolow imissa sano ayeey qaadan doontaa iney cirib tiraan Alshabaab ciidamda Kenya oo aan waligood la dagaalin Somalida.

Si kastaba, waxaa la hubaa in hadii Kenya ay sii wado dagaalka ay ka waddo dalka Somalia ay mari doonto meeshii ay mareen ciidamadii Xabashida ee dalka xoogga ku soo galay.

Waxaa la gula talin lahaa dowladdda Somalia in dhulka haddii eyba ciidamo shisheeye geynayaan ay geeyaan kuwa Uganda iyo Burundi ama haddii uu jiraan ciidamo wadamo kale oo aan dalka xudduud la laheyn. Haddii ay sidaasi dhici weydo waxaan shaki ku jirin in Alshabaab  ay si caadi ah u soo noolaan doonaan Kenyana aan lagu fiirsan doonin dalka Somalia ee muqadaska ah.

halgankanet@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>