Nairobi:- bam gacmeed ayaa lagu weeraray club ku yaala nairobi subaxnimadii hore ee maanta oo isniin ah , waxaana falkaasi ku dhaawacmay dad gaaraya 14qof sida ay sheegeen warbaahinta dalkan laga leeyahay
weerarka oo dhacay salaadii subax ka hor ayaa lasheegay inuu ka dhacay Mfangano Street oo ku yaala down townka nairobi , qof ayaa lasheegay in uu bam gacmeed ku tuuray clubka isla markaasina cararay sida ay ku waremeen goob joogayaal
ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo dhinaca dowlada kasoo baxay iyadoo lasugayo waagu markuu beryo in arintaasi war laga oran doono isla markaasina faahi faahinta la heli doono
weerarkan ayaa imanaya xili dowlada kenya ciidamadeedu gudaha u galeen somalia si ay ula dagaalmaaan al shabaab , waxaana sidoo kale jirtay hanjabaado alshabaab warbaahinta ka shegeen oo ka dhan dowlada kenya
xigasho
Reuters and Capital FM
Galgalanews
↧
14 ku dhawacantay Bam Gacmeed Lagu weeraray Club Nairobi ku yaal
↧