Ra'iisal wasaaraha Kenya, Raila Odinga oo saxaafadda la hadlay ayaa ku faanay in ciidamadooda cirku ay weerar ku qaadeen magaalada Kismaayo oo ka mid ah meelaha ay al Shabaabku gacanta ku hayaan.
Odinga waxaa uu sheegay weerarkaas dhinaca cirka ah ay fulintiisa gacan ka siiyaan wadamo raar Galbeed ah oo uu saaxiib ku sheegay, wuxuuna sidoo kale ku celceliyay in dagaalka ka dhanka ah al Shabaab ay sii wadayaan.
Dowladda Kenya ayaa dhanka kale sheegtay in diyaaradahoodu ay duqeeyeen goob ay magaalada Kismaayo uga sugnaayeen saraakiil Ajaaniib ah oo al Shabaab ka tirsan, inkastoo saraakiishaas magacyadooda iyo waxa gaaray aysan sheegin.
Kenya ayaa haatan si bareer ah u soo gashay dhulka Soomaaliya waxayna ugu marmarsiyootay dagaalka la caalamiyeeyay ee al Shabaab ka dhan ah, laakiin waxay dad badani qabaan in Kenya ay wadato qorshe kale oo ka duwan kan ay hadda shaacisay.