Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciidamada AMISOM oo xalay duqeyn culus u geystay degmada Dayniile iyo dhimasho duqeyntaas ka dhalatay

Image may be NSFW.
Clik here to view.

Degmada Dayniile waxaa saakay ka cararaya dadkii yaraa ee halkaas ku sugnaa kadiba madaafiic xalay ay ciidamada AMISOM ku garaceen deegaankaas.

Warbaahinta oo la hadashay qaar ka tirsan saraakiisha caafimaadka ee isbitaalka Dayniile ayaa soo xigatay warar sheegaya shacab ku dhintay duqeyntii xalay oo sida la soo weriyay aad u cusleyd.

Tan iyo Khamiistii la soo dhaafay waxaa degmada Dayniile ka socday dagaalo galaaftay nolosha dad badan, islamarkaasna barakiciyay dadkii horay halkaas barakaca ugu noolaa.

Degmada Dayniile ayaa waxaa hadda saaran shiishka AMISOM, waxayna ciidamadaas isticmaalayaan awood xad dhaaf ah.

halgankanet@gmail.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles