Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dagaalo maanta ka soconaaya degmada Dayniile iyo duqeymo xoogan oo xalay Dayniile lagu garaacay

$
0
0

Dagaalo goos goos ah ayaa waxay maanta ka soconayaan degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, iyadoo dhinaca kalana xalay degmada Dayniile lagu garaacay madaafiic aad u xoogan.
Ciidamadda Amisom ayaa waxay xalay madaafiic xoogan ku garaaceen degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, waxayna madaafiicdu qeyb ka ahaayeen qorshaha la-doonaayo in Xarakada Al Shabaab looga saaraayo degmada Dayniile.
Duqeymaha xalay lagu duqeeyay degmada Dayniile, ayaa waxay ahaayeen kuwo aad u xoogan, isla-markaana waxaa laga wada maqlaayay deegaanada loo-barakacay iyo magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.
Marka laga soo taggo duqeymaha xalay lagu garaacay degmada Dayniile, ayaa waxaa maanta ka soconeyso dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo garbsanaaya Ciidamadda Amisom iyo Xarakada Al Shabaab oo dhinac ah.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay iyadu sheegtay inay difaacan doonto gacan ku heynta degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, waxay kaloo sheegtay inay dalka oo dhan xoog uga saari doonto Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom.
Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay shalay shaaca ka qaadeen inay sii wadi doonaan dagaalo culus ee ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.
Wixii kusoo kordha kala soco wararkayna dambe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>