Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaas ay saakay ka jirto xaalad cakiran iyo dhiilo colaadeed.
Shacabka magaalada ku dhaqan ayaa waxaa la soo deristay cabsi ka dhalay duqeyntii cirka ee shalay iyo diyaarado haatan dul heehaabaya jawiga sare ee magaalada, diyaaradahaas oo joog hoose ku duulaya.
Dhanka kale waxaa saakay magaalada ka baxay sida la soo sheegayo saraakiishii al Shabaab ee Kismaayo, waxaana loo maleynayaa in dhanka magaalada Muqdisho ay u soo dhaqaaqeen, cabsi dhinaca duqeynta cirka ah darteed.
Xaaladda guud ee magaalada ayaa ah mid kacsan waxaana la isla dhexmarayaa in al Shabaab ay magaalada ka baxayaan, maleeshiyaad beeleedyo si hoose isu abaabulayana waxaa laga soo sheegayaa qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo.
Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa ah kuwa marmarba marka ka dambeysa isbedbedalaya balse wixii war ah ee soo kordha waxaad kaga bogan doontaan wararkeena dambe ee soo socda.