Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhiga dalka Kenya Maj. Emmanuel Chirchir ayaa u sheegay wargeyska New York Times in ciidamo reer galbeed ah ku gacan siinayaan hawlgalka ka dhanka ah Xarakadda Al-Shabab ee ay Soomaaliya ka wadaan
Afhayeenku waxaa uu xusay wadamo ay ka mid yihiin Faransiiska iyo Maraykanka ay ku taageerayaan ciidamadooda hawl galada ka wada gobolada Jubbooyinka ee koofrta Soomaaliya diyaaradaha dagaalka waxaana uu intaa ku daray in ay ka rajaynayaan inay taageero buuxda ka helaan wadamo kale oo reer Yurub ah sida uu yiri.
Maj. Emmanuel Chirchir waxaa uu waraysigiisa ku sheegay in diyaaradaha Faransiiska iyo kuwa Maraykanka ay dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay duqeeyeen deegaano ku yaala gobolada Jubbooyinka oo ay fariisimo ciidan ku lahaayeen dagaalyahanada Al-Shabab waxaana uu sidoo kale xusay inay garab military ka helayaan ciidamada badda Faransiiska eek u sugan xeebaha Soomaaliya.
“Hawlgalka aanu Soomaaliya ka wadno kuma keli nihi oo waxaa nagu taageeraya qaar ka mid ah wadamada aanu saaxiibna ka nahay” ayuu yiri afhayeen wasaaradda gaashaandhiga Kenya Maj. Emmanuel Chirchir
Afhayeenkaan waxaa uu sidoo kale shaaciyay in duqeymihii ay diyaaradaha caawinaya ka geysteen gobolada Jubbhooyinka lagu dilay tiro badan oo Al-Shabab ka tirsanaa inkasoo uusan cadad cayiman
Wargeysyada dalka Faransiiska ayaa sidoo kele saakay qoray warar ku saabsan in diyaaradaha dagaalka ee Faransiisku ay maalmihii la soo dhaafay duqeymo ka geysteen koofurta Soomaaliya
Hadalkaan ka soo baxay dawlada Kenya ayaa imaanaya xilli ay willi gobolada jubooyinka ku sii qul qulayaan ciidamo Kenyati ah oo ay la socdaan kuwa dawlada iyo kuwa jabhadda Raas Kambooni
Diyaarado la aaminsan yahay inay dawlada Kenya leedahay ayaa shalay galinkii dambe gantaalo ku dhuftay meelo u dhaw dekeda magaalada Kismayo.
Xafiiska Muqdisho
↧
Dawlada Kenya oo sheegtay in qaar ka mid ah wadamada reer galbeedka ku taageereen hawl galka ay Soomaaliya ka wadaan.
↧