Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wararkii ugu dambeeyay qarax xoogan oo khasaaro geystay oo xalay ka dhacay magaaladda Nairobi

Qarax xoogan ayaa wuxuu xalay ka dhacay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna qaraxa uu wax-yeelo ka soo gaaray in ka badan 18 ruux oo dhamaantood dad shacab ah.
Qaraxa xalay ka dhacay magaaladda Nairobi ayaa wuxuu ka dhacay goob basaska laga raaco oo ku taalla magaaladda Nairobi, waxaana qaraxa la-sheegay inuu ahaa bam gacmeyd, taasoo aan la-ogeyn cidda dhabta ah ee ka dambeysay.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay in ka badan 18 ruux oo rayid ah, kuwaa oo xilligii uu qaraxu dhacaayay ka soo baxay shaqo, waxaana qaarkood soo gaaray dhaawacyo aad u daran.
Dadkaan dhaawacmay ayaa waxaa 15 ka mid ah dhaawacyadoodu la-dhigay Cisbitaalka Kenya ee Magaaladda Nairobi, laakiin dhakhaatiirta caafimaadka ee cisbitaalkaasi ayaa waxay sheegeen in laba ka mid ah xaaladoodu laga deyrinaayo.
Dadkaan dhaawacmay oo dad shacab ah, ayaan wax shaqo ah ku laheyn siyaasadda Dowladda Kenya, laakiin dhaawacyada loo-geystay ayaa waxaa lagu muujinaayaa Ciidamadda Dowladda Kenya ee gudaha u soo gallay dalka Soomaaliya.
Majirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxaan, laakiin Xarakada Al Shabaab ayaa waxay ku hanjabtay inay qaraxyo waaweyn ka geysan doonto gudaha dalka Kenya, haddii aysan Kenya ciidamadeeda kala bixin dalka Soomaaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>