Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Sheekh Axmed Madoobe oo si weyn uga hor yimid tallaabada uu Madaxweyne Shariif uga hor yimid Ciidamadda Kenya

Sheekh Axmed Madoobe ayaa wuxuu si weyn uu uga hor yimid hadalkii shalay ka soo yeeray Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, kaasoo uu ku diiday Ciidamadda Dowladda Kenya ee gudaha u soo gallay dalka Soomaaliya.
Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe, oo ah Gudoomiyaha Jabhadda Raaskambooni, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay si weyn uga soo horjeedaan hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya.
Sababaha ay uga soo horjeesteen hadalka Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa wuxuu ku sheegay in Ciidamadda Dowladda Kenya aysan waxba dhaamin Ciidamadda Dowladaha Burundi iyo Uganda ee ku sugan magaaladda Muqdisho.
Wuxuu sheegay in Ciidamadda Dowladda Kenya si weyn looga soo dhaweeyay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, isagoo intaasi ku daray in shacabka Somaliyeed ay raali ka yihiin Ciidamadda Dowladda Kenya, inay la-dagaalamaan Xarakada Al Shabaab.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay tahay koox cadow ah, isla-markaana wuxuu sheegay inay awood walba u adeegsan doonaan Xarakada Al Shabaab, si buu yiri aanu uga hortagno khatarta ka imaan kareysa.
Iskusoo wada-duuboo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa lagu eedeeyay inuusan cidna kala tashan hadalka shalay ka soo yeeray, isla-markaana uu killigiisa soo gaaray go’aankaasi.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>