Muqdisho(GMN)-Reysulwasaaraha dowlada KMG Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka jawabay hadal ka soo yeeray madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dalka kenya ay soomaaliya ku soo galeen ogolaansho buuxda.
Reysulwasaaraha ayaa sheegay in Dowlada Urur goboleedka Igad shir ay ku yeesheen Magaalada Adisababa ee dalka Eithopia lagu go’aamiyey in wadamada Ururkaasi ku mideysan ay gacan ka geysan karaan xasilinta dalka soomaaliya.
“Ciidamada kenya ogaalansho shacabka soomaaliyeed ayey ku joogaan ma ahan faragalin” sidaa waxaa sheegay Gaas Reysulwasaraha dowlada KMG Soomaaliya.
Reysulwasaraha ayaa hoosta ka xariiqay in kenya ay la dagaalamayso kooxda shabaab ee dhibaatada ku haya wadankeeda iyo guud ahaan gobolka sidaas darteedana ay soo dhaweynayaan.
Gaas ayaa si cad u sheegay in dowlada soomaaliya ay diyaar u tahay in ciidamada kenya ay ku sii sugnadaan ciida soomaaliya ilaa ay ka ciribtiraan kooxda shabaab.
Maalin ka hor ayaa madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya oo uu dhinac fadhiyey reysulwasaraha waxa ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada kenya laga warqabin soo galista ciidamadeeda.
Waxaa muuqanayo is fahamwaa guud oo u dhaxeeya Madaxda Dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Dalka Kenya waxaana la ogeyn heshiiska kale ee qarsoon ee la isku maandhaafsan yahay.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com
↧
Reysulwasaraha oo ka horyimid hadalkii Shariif
↧