Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Kenya: Nin qirtay inuu ka dambeeyay qarax ka dhacay Nairobi

$
0
0

Nin Kenyan ah oo ay ciidamada ammaanka ku qabteen xaafad katirsan caasimada Nairobi habeenimadii Talaada ayaa qirtay inuu ka dambeeyay mid ka mid ah labo qarax oo Isniintii ka dhacay Nairobi iyo inuu xubin ka yahay ururka Alshabab ee Soomaaliya ka dagaalama.
Elgiva Bwire Oliacha oo la magic baxay Maxamed Saif ayaa maxkamad horteeda ka qirtay inuu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay goobta gaadiidka bulshada laga raaco uuna ku dhintay hal ruux halka ay ku dhaawacmeen 8 kale.
Oliacha ayaa sidoo kale qirtay inuu haystay hub sharci daro ah oo ay ku jiraan bambooyin.
Ninkan ayaa sidoo kale shaaciyay inuu xubin ka yahay Xarakada Alshabab ee Soomaaliya ka dagaalanta.
Sarkaal katirsan waaxda ka hortaga argagixisada ee booliska Kenya oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in dambiyo hor leh lagu soo oogi doono Oliacha ayna filayaan inuu dhamaantood qirto.
Alshabab ayaa horay ugu hanjabtay inay weerarro aargoosi ka fulin doonto gudaha Kenya, balse waxaa shaki laga muujiyay labadii qaraxa ee toddobaadkan ka dhacay Nairobi, maadaama ay yarayd khasaaraha ka dhashay.
Xarakada Alshabab ayaa horay u muujisay inay weerarro lagu hoobto ka fulin karto meel ka baxsan Soomaaliya kaddib markii ay qarxisay caasimada Uganda ee Kampala bishii July ee sannadkii tagay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>