Waxaa cabsi laga soo sheegayaa deegaano u dhexeeya magaalooyinka Gaalkacyo iyo Xarardheere, cabsidaas oo kala dhalatay diyaarado dagaal oo halkaas dul heehaabaya.
Diyaaradahan oo joog hoose ku duulaya ayaa cabsi geliyay dadka ku dhaqan deegaanadaas waxaana la tuhunsan yahay in diyaarádahan ay ku raadjoogay shaqaale ajaaniib ah oo laga soo afduubtay Gaalkacyo.
"Xaaladu weli waa kacsan tahay dadkuna waxay ka baqayaan in duqeyn cirka ah, diyaaradahanna argagax ayeey nagu abuureen" Waxaa sidaas saxaafadda u sheegay mid ka mid ah dadka ku nool deegaanada ay diyaaraduhu duulimaad joog hoose ah ku dulmarayaan.