Dagaal aad u culus ayaa waxaa hadda si xawli ah uga socda deegaanada ay ka midka yihiin Boondheere, Hotel Weheliye iyo weliba qeybo ka mid ah Wadada Halbawlaha u ah dhaqdhaqaaqa Dowladda ee Maka Almukarama.
Dagaalkan oo aan waxba la isu reeban ayaa waxaa ka qeybqaadanaya ciidamo dowladda ka tirsan oo ay ka barbar dagaalayaan kuwa Ahlu Sunna iyo Xoogaga Alshabaab iyo Xisbul islaam oo dhinaca kale ka soo jeeda, waxaana afarta dhinac ee magaalada Muqdisho ku dhacaya madaafiicda goobta ee ka soo dhaceysa saldhigyada Ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho.
Waxaa gebi ahaanba qalqal ku habsaday shacabka marrasta ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyadoo dhanka kale qasaaraha ka dhashay dagaalkan hadda socda aan la ogeyn marka laga soo tago Duqeyntii ilaa xalay socotay ee galaafatay nolosha shacab aad u fara badan.
Dagaalkan ayaa soconaya xili Hotel ay deganaayeen Xildhibaano iyo wasiiro ay saakay weerar culus oo ismiidaamin lagu sheegay ku qaadeen kooxo hubeysan oo ku lebisan Dareeska Ciidamada Dowladda waxaana hadda la daabulayaan dhaawaca iyo meydadka dadkii Xildhibaanada u badnaa ee Hotelkaas ku waxyeeloobay.
Wixii war ah ee soo kordha dib uga bogo haddii alle Idmo.
halgankanet@gmail.com