Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Carab:-Waan ka warheynaa Duqeymaha Dalka

$
0
0

Muqdisho-GMN-Wasiirka difaaca Xukuumada KMG Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa shaaca ka qaaday in dowlada soomaaliya ay ka war heyso duqeymaha xaga cirka ah oo dalka ay ka fuliyaan diyaaradaha dagaal ee laga leehaya wadamada mareekanka iyo Faransiiska.
Carab ayaa sheegay in duqeymaha laga fulinayo gobolada koonfurta iyo bartamaha dalka uu yahay qorshe caalami ah oo lagula dagalamayo Ururweynaha Al-qaacida ee dunida dhibaato ku hayso.
Wasiirka difaaca ayaa soo hadal qaaday in wadamada reer galbeedka ay yihiin kuwa doonaya in ciribtiraan Shabaab iyo xulfadooda sidaas darteedana ay soo dhaweynayaan duqeymaha ka socda gobolada dalka gaar ahaan Gedo iyo Jubooyinka .
Wasiirka ayaa ka gaabsaday su’aal ah inay dowlada soomaaliya ay heeshiis duqeymahaasi kula gashay wadamada Mareekanka iyo Faransiiska kuwaas oo marar badan dalka ka fuliyey duqeymo xaga cirka ah.
Xuseen Carab ciise ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in duqeymaha lala eeganayo kooxda shabaab ay yihiin talaabo dowladahaasi ay ku damacsan yihiin xasilooni ka dhalata guud ahaan dalka .
Diyaarado dagaal oo reer galbeedka laga leeyahay ayaa dalka soomaaliya gaar ahaann gobolada koonfurta iyo bartamaha waxa ay ka fuliyeen duqeymo xaga cirka kuwaas oo qaarkood lagu dilay hogaamiyaal sare oo Al-qaacida ah,
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles