Suldaan Maxamed Jaamac Shire
Garoowe (RBC Radio) Waxaa baryahan aad u soo kor dhayey Baaqyo, Dareeno iyo Fikiro lagu diidan yahay Ciidamada AMISOM kuwaas oo ka imaanayey Bulsho-weynta kala gedisan ee deegaamada Puntland, taas oo ku aadaneyd markii uu ku dhawaaqey Madaxweyne Cabdirahmaan Maxamed Faroole iyo maamulka uu madaxda ka yahay in ay codsi u dirsadeen Ururka Midowga Afrika (UA) , kaas oo ku saabsanaa sidii Ciidamada AMISOM ee wadanka Soomaaliya ka howl gala qayb ka mid ah loo geyn lahaa deegaamada Puntland gaar ahaan gobolka Mudug magaalo madaxdiisa Gaalkacyo.
Haddaba Suldaan Maxamed Jaamac Shire ( Juunle) oo ka mid ah Isimmada sida aad ka ah looga qadariya deegaamada Puntland gaar ahaan Gobolka Mudug ayaa asagu ka mid ah dadka sida aadka ah uga soo hor jeeda ama aan la dhacsaneyn talada iyo in baahida loo qabo inay yimaadaan dhamaan deegamada Puntland Ciidamo ka socda Midowga Afrika (AMISOM).
RBC, Radio oo uu wareysi siiyey Suldaan Maxamed Jaamac Shire ayuu ku sheegay in Puntland looga baahneyn ciidamada AMISOM ” ma jirto baahi amni darro oo loogu yeerto, ma jirto rabitaan ah inay dadka u kaalmeeyaan, ma jirto dhibaato dadka haysata oo ciidan gargaar ugu fidiyo iyo wax laga fursan waayey oo ay ummada ka samatabixiyaan intaba iima muuqato”.
Suldaan Maxamed Jaamac Shire hadalkiisii sii wata ayaa sheegay ” Gobolka Mudug waa dhul nabadeed waxaana ku nool dad nabada jecel , waa haddii dariiqii saxa ahaa loo maro weligeedna nabad bay ahayd. Waa jiraan beelo mar isku dhaca wax cusubna ma ahan, balse waxaa meesha yaal Dowladii iyo maamulkii Puntland oo la rabey inay waajibaadkoodii gutaan ama howshii loo igmadey dhinacooda ka soo bixi waayeen adeerayaal looma baahnaadeen in Ciidamo AMISOM ah loo yeerto.
Hadaba waxaana halkan aan fariin uga dirayaa Ciidamada AMISOM ee laga codsadey inay yimaadaan Gobolka Mudug waxaana aan ugu baaqayaa marna inaysan iman ,raalina aan laga ahayn ,laguna soo dhaweynayn Gobolka Mudug . Haddii wax wada hadal ah laga gelayana waxay u taal in laga hadlo dhamaan dhinacyada ay quseyso sida Puntland, Galbeedka-Mudug iyo Galmudug ,sababta aan u leeyahayna waxa weeye Galbeedka-Mudug iyo Galmudugba waxay u arkaan in Ciidamka AMISOM ayaga loogu yeeranayo in lagula dagaalamo.
Waxaa kaloo Suldaan Maxamed Jaamac Shire uu ka hadley arrinka madaxda maamulka Puntland ula jeclaatey in la geeyo Gobolka Mudug keliya Ciidamada AMISOM, ma amni darro iyo xasarado aan Gobolada kale qabin oo dheeri ah ayaa ayada u gaar ah waa iga suaal ?. Waxaan u malaynayaa Gobolka mudug wuxuu u baahan yahay xanaano iyo daryeel dheeri ah ee uma baahna in culays iyo dhibaato korka laga sii saaro . Sababtoo ah waa meel Beelo badan iyo Maamulo iska galaan una baahan sidii nabad iyo kuwada noolaansho mar walba loogu dabaali lahaa.
Guud ahaan waxaa aad u soo xoogaystey Baaqyo iyo fikiro lagu diidan yahay waxa kalifey ama loogu yeeranayo Ciidamada AMISOM iyo kuwo kaleba inay yimaadaan deegaamada Puntland, kuwaas oo ka imaanaya shacabka reer Puntland ee ku nool dalka gudahiisa iyo dibadiisaba.
RBC Radio
Maxamed Yaasiin Sh Cali
Raxanreeb.com
↧
Suldaan Maxamed Jaamac Shire oo waxaan la aqbali karin ku tilmaamey imaatinka Ciidamda AMISOM ee Puntland
↧