Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Michelle Obama oo Gacanteeda Ku Rinjiyeynaysa Guri Loo Dhisayey Askari Mareykan Ah oo Afganistan Ku Soo Dhaawacmay & Sawirkaa oo Mareykanka & Aduunkaba Ka Yaabiyey

 
WASHINGTON(OWN)- Inta badan dadka sar sare ama maalqabeenada ah waxaa laga yaabaa in lagu arko in yar oo kamida oo leh tawaaduc ama debecsanaan ay u muujiyaan dadka markaa ka hooseeya laakiin waxaa dadka mareykanka ah & caalamkaba ka yaabisay markii ay indhahooda ku arkeen gabadha koowaad ee dalka Mareykanka & Caalamkaba oo gacmaheeda ku rinjiyeyneysa guri loo dhisayey mid kamida ciidamada mareykanka ah ee kusoo dhaawacmay dalka Afganistan
xaaska madaxweynaha Mareykanka Michelle Obama ayaa iyadoo ka fogaaneysa kibir & is qaad qaad waxa ay burushka la raac-raacday guriga askarigaa dhaawaca ah iyadoo xustay inuu ninkaasi u dhaawacmay wadankiisa isla markaana uu naftiisa u huray illaalinta shacabkiisa, 
Jariirada Daily Mail oo warkan soo qortay ayaa sheegtay in arintani ay tahay tusaale wanaagsan oo lagaga dayan karo gabadha koowaad ee aduunkan iyadoo Michelle Obama go,aansatay inay gacanteeda kaga shaqeyso guryo aad u badan oo cusub oo loo dhisayey askarta mareykanka ah ee kusoo dhaawacantay dalka Afganistan, Micheal ayaa xustay inay gacanteeda ugu shaqeyn doonto geesiyada Mareykanka ah,
Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad11@live.com
Facebook:- Barkhad Abdillahi Oodweynenews


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles