Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wasiir ku Xigeenka Waxbarashada Puntland oo ka Jawaabay Ardaydii Deeqaha Waxbarasho laga Musuqmaasuqay (Dhageyso)

Maxamud M. Idiris-Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Puntland
Muqdisho (RBC) Wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland Maxamuud Maxamed Idiris ayaa wareysi gaar ah oo maanta ay la yeelatay Shabakadda Raxanreeb wuxuu kaga jawaabay arday reer Puntland ah oo ka mid ahaa arday deeq waxbarasho ka heshay dawlada Turkiga kuwaasoo laga musuqmaasuqay deeqdii ay heleen.
Wasiir ku xigeenka oo hadda ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in arinta ardaydaasi ku dhacday ay jirto balse ay wadaan wada hadal ay kula jiraan wasaaradda waxbarashada DKMG masuuliyiinteeda si arintii dhacday xal loogu helo.
Ardayda oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa gaareysa 50 arday kuwaasoo hadda ku xayiran magaalada Muqdisho. Waxayna mar ay ardayda qaarkood maanta la hadleen xafiiska Raxanreeb ee Muqdisho u sheegeen in boosaskooda lagu bedelay dad tahriib ahaa oo lacago laga qaatay si ay Turkiga uga sii gudbaan wadamada kale ee Europe.
Dhageyso wasiir ku xigeenka oo arimahan oo dhan ka hadlaya
AMA
Waxaa uu sidoo kale wareysigan kaga hadlayaa wasiir ku xigeenka khaladaadkii hareeyey imti\xaanadii laga qaaday arday gaareysa dhowr kun oo ka dhacay magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo, isagoo sheegay inay arintaasi ku dhacday khalad ka yimid saraakiishii Turkiga ee imtixaanaadka qaadaysay.
RBC Radio


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles