Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Amaanka Puntland oo faraha ka sii baxaya iyo madaxweynaha Puntland oo sheegay in qeybo kamid ah Puntland la keenayo ciidamada AMISOM

$
0
0

Madaxweynaha maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa daboolka ka qaaday inay wax ka qaban waayeen amaanka qeybo ka mid ah deegaanada maamulkiisa hoos yimaada.

Faroole wuxuu sheegay in Waqooyiga Gaalkacyo uu noqday meel amaankeedu faraha ka baxay oo aysan ka maamul ahaan waxba ka qaban, ciidamada AMISOM in la geynayo halkaasna wuxuu sheegay.

Amaan la,aanta ka jirta Gaalkacyo wuxuu Faroole ku eedeeyay xoogagga al Shabaab waxaana uu arrintaas ka yiri "Al Shabaab waanu la dagaali karnaa laakiin waxaa meesha ku jira dad deegaanka u dhashay oo damiir laawayaal ah oo al Shabaab hoosta ku wada, marka waxaan u cila dhaansanay AMISOM".

Si kastoo ay ahaataba waa markii ugu horeysay oo uu madaxweynaha maamulka Puntland qirto amaanka faraha ka baxay ee deegaanada qaar, waxaana sidoo kale meesha ka baxday doodiisi uu horay ugu doodi jiray in colaadaha Soomaaliya ay Koonfurta uun ku siman yihiin.

halgankanet@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>