War deg deg ah oo hadda Gaalkacyo naga soo gaaray ayaa sheegaya in dhanka Koonfureed ee magaaladaas xabsi ku yaal xoog looga baxsaday laba nin oo ku eedeysnaa afduub loo geystay dad ajaaniib ah.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen rag hubeysan oo xoog ku gelaya xabsiga Koonfurta Gaalkacyo, xabsigaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada maamulka Galmudug State.
Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in kooxaha hubeysan ee eedeysanayaashan xabsiga xoogga uga baxsaday ay ku jireen ilaalada madaxda maamulka Galmudug qaarkood.
Waxaa weli kacsan xiisad ka dhalatay eedeysanayaashan xoogga lagu baxsaday wixii war ah ee soo kordhana dib ayaan idiinkaga soo gudbin doonaa haddii Alle idmo.