Laba qaraxyo oo culus ayaa waxay ka dhaceen Gobolka Sool, iyadoo dhinaca kalana uu maanta ka hadlay Maamulka Gobolka Sool, kuwaa oo sheegay inay ammaanka adkeyn doonaan.
Laba qaraxyo oo bam gacmeyd loo-adeegsaday ayaa waxaa xalay lala beegsaday Saldhig ciidan oo ku yaalla Koonfurta magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool, iyadoo ay geysteen khasaarooyin kala duwan.
Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxyadaan ayaa waxay sheegayaan in qaraxyada ay ku dhaawacmeyn laba askari, halka mid kalana uu geeriyooday, iyadoo laga cabsi qabo inay khasaaraha intaasi ka sii bataan.
Gudoomiyaha Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool ee Xukuumadda Somaliland Mudane Keyse Maxamed Xaaji Xuseen, ayaa wuxuu sheegay in qaraxyadaan ay u soo qabteen 20 ruux.
Dadka ay qaraxyadaan u soo qabteen, ayaa wuxuu sheegay inay ku tuhmayaan inay ka dambeeyeen qaraxyadii xalay lala beegsaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Koonfurta Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool, isla-markaana dadka aan dambiyada laheyn ayaa wuxuu sheegay inay sii deen doonaan.
Somaliland ayaa waxay sheegtay inay kahor taggi doonto qaraxyada culus lala beegsanaayo magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool, isla-markaana waxay sheegtay inay kahor taggi doonaan kooxaha nabadiid ah.
↧
Qaraxyo culus oo ka dhacay Gobolka Sool iyo Maamulka Sool oo si weyn uga hadlay
↧