Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Shariif Oo Canbaareeyay Falkii Maanta Lagu Weeraray Hotelka Muna Sheegeyna Inay Xirmeen Wada Hadaladii Nabadda

$
0
0

Madaxweynaha dawladda Ku meel gaarka Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo
manta Shir jaraa’id ku qabtay gudaha Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay
weerarkii lagu qaaday Hoteelka Muna.
Madaxweynaha ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegey in Kooxaha ka soo hor
jeeda ay caddeysteen inay Shacabka Soomaaliyeed dhiggiisa Daadiyaan
iyadoo waliba lagu jiro Bisha barakaysan ee ramadaan.
Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay in Ujeedada kooxaha ka soo hor
jeeda aanay ahayn inay Diin iyo Islaanimo ay ku dagaalayaan balse waxaa
uu sheegey inay yihiin kuwo ka soo hor jeeda dawladnimada iyo jiritaanka
shacabka Soomaaliyeed waa siduu hadalka u dhigaye,.
Sheikh Shariif ayaa canbaareyn dusha uga tuuray kooxohii ka danbeeyay
falkii manta lagu weeraray Hotelka Muna oo uu sheegey inay joogeen Dad
Sooman oo halkaas iska jiifa iyadoona ayan jirin cid ay wax u geysteen.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegey in shilkaasi waxshinimada ah ay ku
dhinteen Xildhibaano, Saraakiil iyo askar ka tirsan Dawladda ku meel
gaarka isagoona tacsi u direy qoysaskii ay ka baxween iyo dhamaan
Ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray inay dhamaatay Nabaddii ay ugu
yeerayaan Kooxaha ka soo hor jeeda sida xarkada shabaabul Mujaahddiin
iyo Xisbul Islaam isagoona Ciidamada Qalabka Sida ku amray inay galaan
Xaalad Heegan ah isla markaana ay samata bixiyaan Shacabka Soomaaliyeed
oo uu sheegey iny ku soo duuleen Kooxo Cadow ah.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in hadda wixii ka danbeeya ay
dhamaatay rajadii ay ka qabeen wada hadalo nabadeed oo ay la yeeshaan
kooxaha ka soo hor jeeda isagoona sheegey in hadda iyo wixii ka danbeeya
ay wadi doonaan dagaalada ay dalka kaga saarayaan kooxaha ku soo duuley
waa siduu hadalka u dhigaye.
Hadaladan Madaxweynaha ayaa waxa ay imanayaan xilli labadii Maalmood ee
aynu soo dhaafanay magaalada Muqdisho ay ka jireen dagaalo u dhaxeeyay
Ciidamada dawladda ahlu Suuna iyo Amisom oo isku dhinac ah iyuo xarakada
Shabaabul Mujaahiddiin iyo Xisbul Islaam oo iyaguna dhinac ah.
Si kasta ha ahaatee Falkii manta ka dhacay Hoteelka Muna ee magaalada
Muqdisho ayaa waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan dawladda ku meel
gaarka kuwaasoo ku tilmaamay inuu ahaa mid ka baxsan aadanimada.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>