War hada na soo gaaray ayaa sheegay xoogag alshabaab in ay qabsadeen isgooska dabka oo ay ku sugnayeen ciidamada dowlada iyagoona halkaasi ku dulay taliyihii Saldhigga waabari ee Ciidamada dowladda kmg ah waxeyna qabsadeen isgoyska halka dagaalku ka dhacay
Shaqsiga la dilay oo ahaa taliyaha saldhiga Waabari ayaa lagu magacabaa C/laahi yare sida aan warka ku heleyno.
Waxaa ilaa iyo hada cadeeyn halkii ay adeen ciidamada dowlada iyadoo la sheegayo in Alshabaab si fudud ku qabsadeen aaga ey weerareen.
Dagaalka ayaa caawa magaalada muqdisho kabilaawday saqdii dhexe ee xilliga Muqdisho waxaana dagaalku ka bilawday deegaano kamid ah degmooyinka Hodon iyo Hawlwadaag kaasi oo ku sii durkayay dhinaca shanta geed halka looyaqaano.
Goobjoogayaal ku sugan halka dagaaladu ka dhacayaan ayaa u sheegay warbaahinta dhacdooyinka in ay maqlayeen hugunka rasaasta ay labada dhinac isweydaarsanayeen oo ahayd mid aad u kulul oo magaalada oo dhan saamaysay.
Inkasta oo aan la ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka xilliga oo habeen ah hadana Madaafiic aad u tiro badan oo raxan raxan u dhacaysa ayaa ku soo dhacaysay Goobo ay kamid tahay degmda wardhiigleey iyo Dayniile.
Xarakada shabaabul Mujaahidiin ayaa ciidamadooda waxaa ay fooda galinayaan goobo horleh iyo saldhigyo ay dawladu ka dagan tahay qaybaha ay dawladu ka taliso waloow aanay inta badan ku nagaanin deegaanada ay qabsadaan.
Dagaalka oo soconayay ilaa waqtigii saxuurta ee saacada Muqdisho ayaanay dadbadani hurdo ladin dhawaqa iyo guuxa Gantaalka Bi im ka oo ah gantaal dhawaqiisa aad u kulul yahay waxaana ay dadku ku suxuurteen gidaarada shubabka ah si ay uga badbaadaan Madaafiicda.
Dagaalka ayaa imaanaya xilli laba nin oo kuhubaysan dharka tuutaha ama dareeska dawladu maanta galeen Hoteel MUna oo ah hotel ay intabadan dagaan saraakiisha iyo xildhibaanada Dawlada kaasi oo ay ku nafwaayeen lix xildhibaan halka mid kalena uu ku dhaawacmay sida uu shaaciyay C/raxmaan Ibbi oo ah wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka badda ee Dawlada KMG ah ee Soomaaliya.
Dagaalka, Madaafiicda iyo qaraxyada isisoo taraya ee ka dhacaya Muqdisho oo sii balaaranaya ayay dadbadani ka niyad jabeen sii shaqaynta Dawlada KMG ah ee uu hogaamiyo Shiikh Shariif waxaana ay ku baaqayaan in uu Madaxweyne Shariif is casilo si dadka intiisa hartay loo badbaadiyo.
Madaxweyne Shiikh Shariif oo la hadlay saxaafada kadib qaraxii Hoteelka Muna ayaa sheegay in ay dawladu dagaalami doonto maadaama ay ka daashay ku baaqida wadahadalo dib u heshiisiineed, waxaana uu ciidamiisa ku gubaabiyay in ay hubka qaataan oo ay waajibaadkooda gutaan.
Midawga afrika ayaa sheegay in ay ciidamo dheeraad ah u soo direen Muqdisho kuwaasi oo garab sindoona Dawlada taagta daran ee qodxuhu ku hareeraysan yihiin waxaana uu sarkaal u hadlay midawga afrika sheegay in ciidamadaasi tiradooda lagaarsiindoono 8,000 waloow aan la ogayn waxa ciidamo badan oo la keeno soomaaliya ay soo kordhindoonaan.
Dagaaladaan iyo qaraxyadaan ugu danbeeya ayaa noqonaya kuwo sii murjiya xaalada Soomaaliya ,waxaana beesha caalamka la gudboon in laba mid uu samayso in ay la yimaadaan awood dheeraad ah oo ku wiiqayaan Xoogaga ka soo horjeeda dawlada iyo in meesha loo baneeyo kooxaha sida wabi fatahay ugu sii siqaya afarta KM ee ay Amisom ku waardiyayso Xubnaha Dawlada.