Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (Sharmoc) waxa uu
Cambaareynayaa, wax laga xumaadana ku tilmaamayaa Xasuuqii ka dhacay
Hotelka Muna ee degmada Xamarweyne, ee Magaalada Muqdisho, kaasoo inta
la ogyahay galaaftay nolosha in ka badan 33 qof oo badankoodu rayid
ahaayeen, halka tira intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana falkaas
Masuuliyaddiisa sheegtay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.
Xasuuqa ayaa dadkii ku dhintay waxaa kamid ahaa Xubno ka tirsan
Baarlamanka KMG ah ee Somalia, oo hotelku u ahaa Xarun nololeed, waxaase
khasaaraha ugu badan soo gaaray dad isugu jiray Haween, Caruur,
Ganacsato iyo dad Caadi ah oo ku noolaa Hotelka, waxaana Xubnaha ka
tirsanaa Al-Shabaab ay rasaas aan loo aabba yeelin ku fureen dadkii
hotelka joogay, iyadoo ay Al-Shabaab ay ku tilmaameen falkaas mid ay
muddo ka shaqaynayeen.
GuddigaDabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (SHARMOC) waxa uu
falkaas ku tilmaamayaa fal ka baxsan banii aadamnimada, isla markaana
kasoo hor jeeda Diinta Islaamka iyo dhaqanka Wanaagsan ee Soomaalida,
iyadoo dadkii ka dambeeyeyna ay yihiin dambiilayaal ay tahay in
caddaaladda la horkeeno.
Falkaan Argagaxa leh oo u Muuqday fal si weyn loogasoo shaqeeyey isla
markaana loogu bareeray in lagu gaysto Khasaarihii ugu badnaa ee la
gaarsiiyo dad aan hubaysnayn oo rayid ah ayaa daba joogay dagaallo lagu
hoobtay oo dhaliyey Khasaarihii ugu badnaa bilihii lasoo dhaafay,
waxaana dagaaladii isdaba jooga ahaa ee ka dhacay Degmooyinka
Boondheere, Hodon iyo Howlwadaag ku geeriyooday in ka badan 57 qof oo
rayid ah halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 150 qof, waxaana
dagaaladdan oo Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Gooba isugu jira kuwa
TFG,Amisom iyo Xaafado ay ku noolyihiin dad shacab ah.
Xarumaha caafimaadka Magaalada Muqdisho iyo Gargaarka degdega ah ayaa
xaqiijiyey in dhaawac aad u fara badan lasoo gaarsiiyey, halka ay jireen
goobo ay gaari waayeen oo ay ku dhacaysay madaafiicda Habowga ah ee ay
ridayeen dhinacyada dagaalamayey, waxaana sidoo kale Ciidamada Midowga
Africa ee Amisom ay si aan kala sooc lahayn Madaafiic ugu harqeeyeen
Xaafado aanuu dagaal ka jirin.
Xaaladda banii Aadamnimo ee magaalada Muqdisho ayaa kasii dareysa xilli
shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah uu la daalaa dhacayo diifta kasoo
gaartay Dagaalada waxayna dadaal iyo Xusul duub ugu jiraan sidii ay u
heli lahaayeen Afurkii Maalintii ay soonaayeen, iyadoo dhinacyada
manaxayaasha ah ee Dowladda KMG ah, Amisom, Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam
ay sii wadaan Baabi’inta Shacabka Soomaaliyeed ee aan hubaysnayn.
Ugu dambayntii Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee
(SHARMOC) waxa uu uga digayaa dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada
Muqdisho in loosoo taagi doono dembiyo dagaal isla markaana ka dhan ah
Banii aadamnimada, waxaana dagaalkaan iyo dilalkan yihiin kuwa ka dhan
diinta Islaamka, Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dhaqanka
Soomaalida eek u dhisan is ixtiraamka iyo nabad ku noolaashaha.
Wabillaahi Towfiiq
Abdurahman Sheikh Hassan Gacal
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaliyeed (SHARMOC)
London, United Kingdom
Tel.442086967090
Fax. 442086967090
Mobile. 447983294906
Email: sharmoc@yahoo.co.uk,sharmoc@gmail.com
↧
Baaq: Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (SHARMOC)
↧