Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Mungaab “Hada baaritaan waxaa ku socdo 3-Gudoomiye degmo, hadii lagu helo waa la xukumayaa”

$
0
0

Gudoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Mungaab oo shalay ka dhawaajiyay in maxkamada ay xukuno tobanaan sano xabsi ah ku riday gudoomiyeyaashii degmooyinka Xamar Jajab iyo Kaaraan, ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday inay baaritaano kale ku socdaan gudoomiyeyaal kale.
Mungaab ayaa sheegay in Maxkamada markii la horkeenay marqaatiyaaal kadib ay xukunka ku riday C/laahi maxamed rooble gudoomiyihii degmada Kaaraan oo lagu xukumay 10-sano iyo Bashiir Cabdi nuur Gudoomiyihii degmada Xamar Jajab oo uu tilmaamay in 15-sano xarig lagu xukumay.
Waxaa uu sheegay in dambigan ay cuskadeen markii ku cadaatay xatooyo hanti dadweyne iyo lunsashada raashinkii mucaawinada ee loogu tala galay dadka masaakiinta ah.
Gudoomiyaha ayaa sheegay inay hada socdaan baaritaan ku wajahan gudoomiyeyaal degmo oo ku sugan magaalada, kuwaasoo uu qeexay inay wali wadaan dhibaatooyinka dadka rayidka ee ay ku lunsanayaan raashinkii loogu soo dhiibay.
Mungaab ayaa tilmaamay inay sii wadi doonaan xukunadan oo aanay u eegin qofka hadii uu yahay mas’uul, hase ahaatee sharciga ay hor keenayaan cid walba oo dambi gasha.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii xabsiga la dhigay gudoomiyeyaasha degmooyinka Kaaraan iyo Xamar jajab, iyadoo dadka deegaanadaas ay marar badan ku soo eedeeyeen in deegaanada falal amni daro ka taagan yihiin, isla markaana aan loo qeybin raashinkii mucaawinada ee loogu soo dhiibay.
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>