Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Xiisado dagaal saaka ka taagan duleedyada magaalada B/weyn

$
0
0

Kadib dagaal shalay ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Kala Beyr iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa saaka xiisad dagaal laga soo sheegayaa qeybo ka mid ah gobolkaas, gaar ahaan duleedka magaalada B/weyn.
Inkastoo maalmihii u dambeeyay ay jireend dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo wehliya ciidamo Soomaali ah oo taabacsan maamul la magac baxay Dooxada Shabelle ayaa ciidamadaas dhaq dhaqaaqooda ahaa mid aad u xooganaa.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan mararka qaar ku soo dhowaanayeen duleedyada magaalada B/weyn, kaasoo dadka deegaanka ay wal wal ka muujiyeen.
Dagaalkii shalay ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Kala Beyr iyo Matabaan ayaa dhex maray Ciidamada maamulka dooxada Shabeele ee taageersan dowladda iyo Al-Shabaab, kadib markii weerar lagu soo qaaday ciidamadaas.
Dadweynaha ku nool magaalada B/weyn ayaa sheegaya inay sidii hore ka duwan tahay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ay barteen, hase ahaatee waxay soo wariyeen in ciidamo fara badan ay ku soo qul qulayeen gobolka maalmihii u dmabeeyay.
Ciidamada Itoobiyaanka ee iska yimaada gobolka Hiiraan ayaa looga bartay inay soo galaan xilliga ay doonaan, isla markaana muddo kadib iska laabta, hase ahaatee ciidamadaas ayaa ilaa hada 5-cisho ku sugan Kala beyrka, isla markaana gaadiidka ku sameynaya baaritaan.
Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in dhowaan howl galadooda ka bilaabi doonaan Hiiraan iyo Galgaduud oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab, hase ahaatee marar badan ayaa fashilmay isku daygaas duulaanka ahaa.
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles