Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Xarakada Al Shabaab oo weerar ka geysatay dalka Kenya iyo khasaaro kala duwan oo ka dhashay

$
0
0

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay xalay weeraro qorsheysan ay ka geysatay duleedka magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo muwaadiniin u dhashay dalka Kenya ay dhimasho iyo dhaawacyaba u geysatay.
Gaari maraayay deegaanka Aiciolo ee bariga Kenya, ayaa waxaa wadada u gallay kooxo ku hubeysneyd qeybaha kala duwan ee hubka fud fudud, isla-markaana waxay ku fureyn rasaas xoogan.
Waxaa goobtaasi ku dhintay darawalkii gaariga, iyadoo dhinaca kalana ay dhaawacyo soo gaareyn seddex ruux oo kale oo gaarigaasi saarneyd, isla-markaana waxay ku sii jeedeen deegaanka Shaba oo 300km u jirta magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.
Taliyaha Ciidamadda Ammaanka/Booliska ee Bariga Wadanka Kenya Marcus Ochola, oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa wuxuu sheegay, in arintaasi ay ka xumaadeen, ayna iminka wadaan baaritaano balaaran.
Taliyaha Ciidamadda Ammaanka/Booliska ee Bariga Wadanka Kenya Marcus Ochola, ayaa wuuxu isagu uu arintaan uu ku eedeeyay inay ka dambeysay kooxda Shabaab, oo iyadu u goodisay wadanka Kenya.
Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al Shabaab oo arintaan ku aadan, hase ahaatee waxaa loo-maleynayaa inay ka dambeysay Xarakada Al Shabaab, waa sida uu sheegay’e Taliyaha Ciidamadda Ammaanka/Booliska ee Bariga Wadanka Kenya Marcus Ochola.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>