Maqaal: Ciidul-adxaa farxad weyn …dhar cusub…farxad weyn , laakiin Soomaaliya!
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Waa maalin weyn, Ciid-weyn iyo Ciid yareey, waxaan u malayniyaa magacyadaas hadda ilmaha Soomaaliyeed maba yaqaanaanba, run ahaan maba yaqaanaan, waxaan xasuusnahay ciyaal koox-koox u socda oo dhar cusub qaba oo xaafadaha magaalada oo dhan buuxiya, odayaal sida badan qaba dhar cad-cad cimmaamado, dhalin yaro rag iyo haweenba leh oo siyaabo kala duwan u soo labista oo salaam iyo dhoolo cadayn isku qaabilaya, deriska oo isu wareega oo shaaha, qaxwaha, buskudka, iyo macmacaanka kalaba lala sugayo martida ciidda la filayo.
Habeenka ciidda ah waxaa magaalada lagu qurxin jiray nalal midibo kala duwan oo dheeh aad u quruxsan magaalada u yeela laakiin magaalooyinkeenii maanta waa mugdi, waa madow, waa dhufaysyo, nalalkii midbbada lahaa waxaa bedelay ololka habeenkii ka baxaya afka madfaca.
Ciiddaan waxay dadka hantida leh qaybin jireen hilbaha udxiyada ay gowracaan si ay u weneeyaan maalintaas Ilaahay weyneeyay, hadda waxaaba adag in wax la gowraco, kii haystay iyo kaan haysanba, dadku waxay dareemayaan cabsi, cabsi ay ka cibaadaysan la’yihiin, neef xoola ah qofkii rabaa inuu soo gataa waa inuu waardiye la socdaa magaalada Muqdisho, ilmihii waxay dareemayaan faraxd la’aan, laakiin hadana waa CIID, meel kasta takbiirtii baa yaraysa, salaadii baa la soo tukaday, laakiin naf kasta oo Soomaaliyeed waxay tabaysaa in wax ka maqanyihiin farxaddii ciidda.
Dadka waaweyn ee soo arkay Soomaaliya oo dowlad ah, kuna soo ciiday calanka hoostiisa, cududdi xooggii dalka ee Soomaaliya, xooggii la yaqaanay, Xooggii wali raadkiisu ka muuqdo xudduudaha Itoobiya iyo Soomaaliya, xudduudaha Kenya iyo Soomaaliya, dadkaas waxay tebiyaan in faraxdda ciidda ay wax ka maqanyihiin… wax maxay ah?!…
“DANAB, DANAB, CIR,DHUL, BAD…DANAAAAB..HIH…”codkii halyeeyadii ciidankii qalabka siday ee Soomaaliya, codkii uu saska ka qaaday boqorkii Itoobiya ee Haile Selassie (Xayle Salaase) markii uu 1974kii shirkii midowga Afrika kaga qayb galay magaalada Muqdisho, codkii uu nacabka kasta oo Soomaaliyeed uu ka argagixi jiray , mar hadii ay cududdaas garabkaaga ka maqantahay farxadda ciidda ma dhamays tirna….
Mar haddii la leeyahay toban magaalo ayaan duqaynaynaa ee dadka deggan ha ka baxaan, yaa, oo xaggee bay aadayaan? Mise xeryaa Kenya loogu diyaariyay, Xeryo cusub, guryaha ay baneeyeenna yaa degiya?! DHuudhi, Kaneeco, dar-yeel xumo..bal adigu ka waran caruurta Soomaaliyeed ee maanta ku ciidaysa xeryaha qaxootiga Kenya…waxay tebiyaan wax weyn oo ka maqan! Bal hadda Nairobi ka waran?!….askariga dariiqa maray markuu arko qof kasta oo Soomaali ah wuxuu ka cabsanayaa inuu weydiiyo aqoonsi iyo sharci ama inuu ku tilmaamo inuu yahay Al-shabaab..ARGAGIXISO!… dharka quruxsan ee soo xirtay waaba astaan ama magac lala dagaalsanyahay, waxaa intaas ka daran walaaca marka uu gabbalku dhaco ku seexanayo armaa caawa askar albaabka kugu soo jebisaa?…waana dabeecad ka mid ah xaaladaha kala duwan ee maanta dadka Soomaaliyeed ku ciidayaan.
Ciiddul-adxaa…Ciiddul-mubaarak, magaalooyin badan oo dalka Soomaalliya ka mid ah waa hubanti in la samaynayo udxiyo, in Takbiirta iyo salaadda la aadayo laakiin ma u malaynaysaa in cabsida iyo tuhunka walaaca laga qabo xudduudaha gobollada qaarkood ay ka weyntahay farxadda ay dadku ku ciidayaan, goboladda Hiiraan, Gedo, iyo Galgaduud, waxaa wadnihii ka qabtay caga juglayn aan dhammaad lahayn oo waliba joogta ah, ciidmmo Itoobiyaan ah baa soo galay, ciidamo Itoobiyaan ahbaa odayaasha deegaanka la shiray…oo maxay u sheegayaan waa handadaad keliya wax kale ma aha….Guumeysigu waligii kama il-baxo inuu odayaal la shiro, odayaal aan waxba ka fahmayn ujeeddada uu leeyahay…..
Xeryaha qaxootiga Yemen caruurta Soomaaliyeed ee ku ciidaysa maxaad u malynaysaa, xerada Al-jaxiim hooyooyinka aabayaasha jooga iyo qoysaska dagaagga ku tegay….Ninba Gurigii Gaado Ku Leh!…xataa cuntada la cunayo kuma farxad gelinayso haddaan guri Soomaaliyeed lagu soo samayn, hadaysan ahayn oodkacii iyo buskadkii shiil-shiilka ahaa, xalwadii, qaxwo xaraartii Soomaalida, shaaheenii macaanaa, marar soda-dii …. Hilibkii la kariyay iyo beerkii ku dhafnaa….
Ma laga yaaba inay madaxda Soomaaliyeed SHeekh SHariif, Cabdi-Raxmaan Faroole iyo Axmed Siilaanyo ciidda isugu hambalyeeyaan, aad bay u sahlantahay laakiin waxaa taas ka fudud Augstino Mahiga inuu ayagoo dhan u soo diro hambalyada ciidda.
Qaxootiga DHadhaab iyo Ifo, muxuu ku ciidayaa baad filaysaa?…haween baa la kufsaday, dad baa la af-duubay, niman hubaysan soo galay, wixii soo gaaraa cidna xil kama saarna,.. way jeclaan lahaayeen inay guryahoodii ku ciidaan maanta laakiin waxaysan qabin isku halayn si ay dib ugu soo laabtaan dalkooda, ma Al-shabaab baa..mise Kenyan… maxay ku ciidayaan, waxay ka soo carareen dadkoodii waxayna la joogaan dad aysan waxba wadaagin…dhaqankoodana uu ku dhumayo…
Ciid al-mubaarak, waxaan is weydiinayaa SHiikh SHariif waxa uu manta dadka u sheegi doono, keliya ma wuxuu dhihi doonaa ciidamo badan oo AMISOM ah baa laynoo balan qaaday, mise qorsho cusub oo manta lagu wada ciidi karo buu ummadda u sheegi doonaa, sida; waxaan dalbanay ciidamo ka yimmaada dalalka Islaamka ah oo lagu dhafo kuwa hadda jooga ee AMISOM, waxaan ka gudubnay inaan is qabqabsano annaga gudaheenna waxaana inoo muuqda inay taas tahay rajada ugu dhow ee soo noqoshada Soomaaliya, waxaan ka fekeraynaa inaa ka gudubno waxyaabaha yaryarka ah ee aan isku haysano annaga iyo Puntland waxaana aan doonaynaa inaan horay u socono isla markaasna Puntland aan u isticmaalno bar aan mar labaad ka soo unkano Soomaaliya annagoo ka faa’idaysanayna…..
Somaliland wali waan u gacan haadinaynaa, shacabkana waxaan ugu baaqaynaa inay xaqiiqda jiorta walaalhood wax kula qaybsadaan, meesha fog ee ay joogsadeenna ma aha mid ka turjumaysa danaha guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo midka reer Woqooyi galbeed midna, waxayna horseedaysaa aayaha durugsan jabhadayn iyo gobanimo doon cusub, mana jirto sabab gaar ah iyo dhibaato ku gooni ah oo aan Soomaalida soo gaarin oo heerkaas geysiin karta oo iyaga soo gaartay.
Waxaa iyadana guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ciidaya iyo kuwa xajinaya iyo guud ahaan culumada Soomaaliyeed looga baahanayahay inay soo duceeyaan oo gacmaha kor u taagaan ayagoo Alle ka baryaya badbaadinta dalka iyo ummaddan lagu soo duulay.
Waxaa kaloo xusid mudan in dhalin yarada dalka iyo dibadiisa ku nool ay maanka ku hayaan inuu xil ka saaranyahay soo celinta qaranimadeennii, ilaalinta nafta iyo sharafta qofka Soomaaliga ah, iyo inuu si sugan oo taxaddar leh ula socdo siyaasadaha ku hardamay dalkeena.. iyadoo uu waalid kasta ku dadaalayo siduu ilmihiisa iyo isagaba ay dib intay ugu noqdaan dalkii ugu Ciidi lahaayeen… Ciidul-mubaarak.
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY FIKIRKAAN AMABA MAQAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM
↧
Ciidul-adxaa farxad weyn …dhar cusub…farxad weyn , laakiin Soomaaliya!
↧