Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Burcad Badeed Soomaali Ah Oo Qabsaday Doon Laga Yeehay Taiwan


burcad-badeed-Soomaali
Taiwan (RBC)
Kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida ayaa qabsaday dooni kalluumeesi oo laga lee yahay dalka Taiwan taas oo mareysay biyaha badweynta Hindiya dhinaca dalka Seychelles, Sidaas waxa sheegay saraakiil u hadlay Dowlada Taiwan
Doonida ayaa lagu magacaabaa Shin Yi Wen waxana la socday 28 shaqaale, oo ay ku jiraan Sagaal shiinees ah, lix Indonesian ah iyo shan ka soo jeeda dalka Vietnam, waxa la waayay oo xiriirkooda uu go’ay jimcihii hore waxa loo maleeyay in ay qabsadeen burcad-badeed Soomaali ah, sidaas waxa sheegay wasiirka arrimaha daibada.
20-sano oo dagaallo sokeeye ay ka socdaan dalka Soomaaliya waxa ugu darsamay hadda kooxo Burcad-badeeda ah oo hubeesan kuwaas oo qafaasha maraakiibta ganacsiga ee goosha badweynta Inida iyo xeebaha badweynta Inida.
Ugu yaraan 47-markab iyo in ka badan 500 oo shaqaale ayey heestaan kooxaha burcad-badeeda, sidaas waxa laga soo xigtay hey’adda baddaha caalamiga iyo ururo kale oo la socda baddaha caalamka.
Xigasho Twain News
Xafiiska Wararka Caalamiga Radio RBC


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles