Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Qiso Cajiib oo dunnida hore uga dhicin qofkii ugu horreeyey ee jidhkiisa la qalajiyo (mummy)

$
0
0

Qiso Cajiib oo dunida hore uga dhicin qofkii ugu horeeyey ee jidhkiisa la qalajiyo (mummy)
Qiso Cajiiba oo aan hore dunnida casriga uga dhicin
A British man, Alan Billis, has become the first person in 3,000 years to be mummified like an Egyptian pharoah
Allan Bilis, oo ahaa nin TAXI wade ah oo, u dhashay dalka Ingiriiska,mgaalada Torquay. ayaa muddo u xanuusaanayey cudurka sambabada Kansarka. Intii uu xanuunku hayey ayey odhan jiray haddii aan dhinto sida ugu fudud ha la ii aaso, een dhibaato ku jirin, kartoon ha la igu rido beerta danbe ee guriga. Waxa uu arrintaa u sheegayey xaaskiia Jan Billis, oo ay is qabeen tan iyo 1973, ayaa waxaa kale oo uu iyada u sheegay in haddii uu dhinto in uu doonayo in laga dhigo jidhkiisa mummy oo afka qalaad lagu yidhaahdo. Maqaarka jidhkiisa iyo xubnaha kale in lagu rido kiimikooyin, jidhka intiisa kalena lagu duuduubo bandhayj, si bal loo arko in saynis-yahaniintu dib u samayn/aabuuri karaan mummy-ga ugu wanaagsan ( ”best mummies”) sidii lagu sameeyey arhaabta masaarida 3000 kun oo sanno ka hor.
Haddaba intii aanu geeriyoon ayuu arkay khuburo iskugu jira Ingirsii iyo Maraykan oo shaaciyey haddii ay jiraan dad doonaya in marka ay dhintaan jidhkooda la qalajiyo. Waxaana shaaciyey nin ku xeeldheer arrimaha cilmiga kimistariga iyo cilmiga arkaloojiga, oo la yidhaahdo, Stephen Buckley. Ninkan xanuusayanaya, Alan Billis ayaaba yidhi arrintii aad doonaysay halkan ayey ka soo dhawaatay markii uu arkay xayasiiskii qalajinta jidhka. Ninka Alan Billis muu ahayn nin aaminsan wax diina, manuu aaminsanayn in geerida ka dib ay jirto nolol kale. wuxuu aaminsannaa haddii uu qofku dhinto waa sidaa uu u dhintay oo wax ka danbeeyaa aanay haba yaaraatee jirin.
Waa in uu isagu doonayo jidhkiisa in la qalajiyo , oo ka dibna hadhow la dhigo meelaha musiyamka, si ay dadku u daawadaan. Qisadan oo aan dunnida casriga hore u soo marin ayaa lala yaabay sida uu u ogolaaday, goáana uga gaadhay arrintan, qaatay in uu sidaa sameeyo. Waxaanu noqonayaa qofkii ugu horreeyey ee dunnida soo mara ee doonaya in la qalajiyo jidhkiisa ka dibna la dhigo Musiyamka oo loo daawasho tago. Khuburadan oo doonaysa in ay tijaabiyaan waxyaalhihii dawooyinkii ay isticmaali jireen, ahraabtii fircoonada masaaridu, marka ay meydka qalajinayaan. Lama hubo in ay ku guulaysan doonaan iyo in kale balse tijaabadaas ayey ku bilaabeen ninka dhintay ee Inigiriiska ah. Allan Billis.
Allan Billis, markii uu dhintay, oo markaa da´diisu ahayd 61 jiray ayaa isla dhawr saacadood ka dib ay khubaradii iyo saynis-yahantiintii bilaabeen hawshii qalinjita jidhka Allan Billis. Waxaanay sameeyeen in xubnuhihii caloosha ee jidhka dibada u soo wada saareen, Waxaa si dekumentari ahaan ka duubayey Tv. mida ka mida Tv.yada dalka Ingiriiska ugu caansan ee la yidhaahdo Channel 4. Waxaa la moodayey hilib-qalayaal sida ay markii jidhka u kala googaynayeen. Waxa kaliya ee ay ku rebeen ay ahayd Maskaxdii iyo wadnihiisii. (sida ay khubaradan sheegeen in ay raacayaan habkii ay u qalanjin jiree,dhaqankii qoomiyadii fircooniyiinta ee masaarida)
Xubnha jidhka laga soo saary waxbaa lagu duuduubayaa. Jidhka intiisa kale waxaa lagu maydhayaa isbiirto Alcohol, dawo kale, habkii ay masaaridu smayn jirtay ayey sameeyeen, xawaashyo iyo faarad (jajabaka looxaanta) iyagoo uga dhigaya mid disha bakteeriyada. (an anti-bacterial agent)
Haddaba waxaa la isweydiinayaa sidee ayey khubradani ku heleen climiga noocan in habkan loo qalajiyo jidhka, maadaamoo sida la wada ogsoon yahay ayey sir tahay amaa ilaa hadda aan la ogayn dawooyinkii ay ahraabta masaaridu isticmaali jireen. Ilaa hada waa sir lama oga waxyaalah ay isticmaali jireeen wakhtigaas si jidhka loo qalajiyo.
Jidhkii Alan, waxaa lagu dhex riday, barkad yar oo wada biyo milix si ay jidhkiisa waxa ku jria u nuugto muddo 5 wiig. Ka hor inta aan loo qaadan shaybaadhka Sheffield, halkaasoo jidhka muddo 6 lagu qalijin doono. Xaaskiisii Jan Billis ayaa soo booqatay, markii jidhka yaalay goobta, markii ay aragtay jidhkiisii iyo sida laga dhigay ayuu dareen murugo lehi qabtay. 3 bilood markii ay ka soo wareegaty ayey saynis-yahaniintii iyo xeeldheerayaashii, hawshan qalajinta jidhka waday ay sheegeen in hawshi si cajiiba oo wanaagsan u socodto, natiijada ka soo baxaday saddexdii bilood ayaa ah mid positiva
Alan Billis wuxuu geeriyooday horantii bishii jenaweri ee sannadkan aynu ku jirno 2011.
”maah maah soomaaliyeed ayaa tidhaahda nin noolow maxaa aragti kuu laban”"
Addunyada intaa aad joogti waxaad maqlaysaa ama arkaysaa waxyaalo kaa yaabiya xaqiiqdii oo aan dunnida hore uga dhicin
Dhammaad.
Waxaa maqaalkan soo diyaariyey oo isku soo daba ridey: Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil somali Airlines.
Bahda:Mareegta caafimaadka
WWW.caafimaadka.com
E-mayl:Editor@caafimaadka.com
E.mayl: Caafimaadka2011@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>