Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Madaxweynaha Kenya oo daboolka ka qaaday qorshaha dalkiisa ee ku aadan faragelinta Soomaaliya

$
0
0

Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa noqday mas'uulkii ugu horeeyay ee Kenyaati ah oo ka hadlay qorshaha fog ay dowladdiisu ka leedahay faragelinta milteri ee dalka Soomaaliya.
Mwai Kibaki wuxuu daboolka ka qaaday in ciidamadimada dalkiisu aysan ka bixi doonin Soomaaliya ilaa ay ka xaqiijinayaan xasiloonida Soomaaliya waqtigii ay doontaba ha qaadatee.
Madaxweyne Kibaki wuxuu meesha ka saaray in mustqabalka dhow ay ciidamadiisu ka baxayaan Soomaaliya taasina wuxuu sabab uga dhigay dagaalka ay al Shabaab kula jiraan ciidamadiisu oo waqti badan qaadan kara.
Hadalka Madaxweynaha Kenya ayaa aad uga duwan wararkii madaxda dowladda Soomaaliya laga soo xigtay ee hawlgalka Kenya ku tilmaamayay mid waqti gaaban qaadanaya.
halgankanet@gmail.com  


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>