Muqdisho Talaado 08 November 2011 (SONNA) Hay’adda arrimaha gar gaarka qaabilsan ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa maalintii sedaxaad deeq qaybin ka wadda xeryaha barakacayaasha ah ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ka qaybinayaan deeq xoolo ah oo loogu talagalay Udxiyada.
Hay’adaan oo magaceeda la yiraadho International islmaamic Relief Organization fadhigeeduna yahay dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxa ay deeqdaasi xoolaha ah ugu talagaleen in la gaarsiiyo dadka tabaalaysan ee Muqdisho ku nool, waxaana labadii maalin ee la soo dhaafay ay deeq qaybin ka wadeen xeryaha barakacayaasha ah ee ku yaalla degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, iyadoo ay howshaasi hirgelisay xafiiska hay’addaasi ay Muqdisho ku leedahay.
Madaxa hay’adda oo lagu magacaabo Saalax Axmed Dheybaani ayaa warbaahinta u sheegay in maalintaba ay deeqdaasi gaarsiiyaan ku dhawaad 5,000 oo qof oo ah dadka barakacayaasha ah ee Muqdisho ku dhaqan, waxaana uu intaa ku daray in ay sii wadayaan kaalmo u fidinta dadka ku tabaalaysan qaybo ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee Gobolka Banaadir.
Arrintaan ayaa ka qayb ka ah dadaallada loogu gurmanayo shacabka ku soo barakacay Muqdisho ee ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay dalka.
Xigasho: SONNA
↧
Maalintii sedexaad oo qaybinta Udxiyada ay ka socoto Muqdisho
↧