Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Xarunta Iskaashatooyinka G/Banaadir Oo Dib Loo Furay

$
0
0

Munaasabad dib loogu furayay  xarunta Iskaashatooyinka gaadiidka gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay Barxadda Iskaashatooyinka ee magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kale uu maamulka G/Banaadir   ku dhawaaqay in gaadiidka ay isku soo diiwaan galiyaan muddo30 maalmood ah.
Munaasabaddani oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka islamarkaana dib loogu furayay xarunta Iskaashatooyinka gaadiidka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay ka dhacday barxadda Iskaashatooyinka degmada X/weyne.
Furitaabka munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay agaasimaha guud  ee dowladda Hoose ee Xamar C/llaahi Cartan Jimcaalle isagoona sheegay in maanta dib loo furay xarunta Iskaashatada gobolka Banaadir kadib Dikreeto ka soo baxday guddoomiyaha gobolka Maxamuud Axmed Nuuur “Tarsan” waxa uu intaa ku daray in Iskaashatooyinka ay yihiin kuwa xambaarsan arrimo badan oo ay ugu horeyso amniga.
Waxa uu tilmaamay agaasimaha in la sharciyeeyo dhammaan gaadiidka si wax badan ay uga tarto soo celinta  nabadda iyo  in laga hortago gawaaridda ka shaqeynaya falalka amni darida ah.
Dhinaca kale waxa uu dikniin u jeediyay dhammaan gaadiidleyda ka howl gasha magalaada Muqdisho in ay isku soo diiwaan galliyaan muddo 30 cisho ah ciddii arrintaasina u hoggaansami waysona laga qaadi doona tallaabo oo ay ciidamada ammniga ammar ku qabaan in ay soo qabtaan.
Ugu danbeyii waxaa isna munaasabaddii maanta lagu furay xarunta Iskaashatooyinka ka hadlay xog-hayaha maamulka gobolka Banaadir C/kaafi Hilloowle Cismaan waxa uuna xusay in arrintaani ay iska kaashadeen wasaaradda Gaadiidka, dowladda Hoose iyo Taraafikada si loo sharciyeeyo oo gawaarida loo sameeyo leysinka loogu talay galay si ay u hagaagsanaato nabad galyada magaalada Muqdisho.
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>