Faah fahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shir kooxda alshabaab dhawaan ugu soo gabagaboobay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay Iyo Qodobbo ay ku heshiiyeen horjoogayaashii ka qeybgalay
Sida ku cad xog muhiim ah oo aanu ka helnay ilo ka agdhaw horjoogayaal kala duwan oo ka tirsan alshabaab shirkii maalmo ka hor ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah horjoogayaasha alshabaab ayaa waxaa uu salka ku hayay khilaafaadkii ka dhextaagnaa kooxda iyadoo uu sii huriyay xaaladda kooxda oo markii horaba meel xun maraysay.
Kooxaha ka qayb galay shirka waxaa ay ka koobnaayeen sadex kooxood, koox ka mid ah waxaa horkacayay Xasan Daahir Aways waxaana ay ahaayeen qaar ka mid ah horjoogayaashii kooxdii ay shabaabku horay u kala direen ee Xisbul Islaam koox kale waxaa iyana horboodayay Muqtaar Rooboow waxaana ay ahaayeen koox ka tirsan shabaab oo muddo sanado ah ay si wayn isku hayeen horjoogaha Shabaab Axmed Cabdi Godane dhawr jeerna ay dhexmareen gacan qaadyo ay ku dhinteen maleeshiyaad iyo horjoogayaal shabaab ah kooxda sadexaad ayaa waxaa ay ahaayeen shaqsiyaad ka kala yimid deegaannada Puntlad iyo Ismaamulka Somalida Ethiopia.
Kooxda uu hugaaminayo Xasan Daahir ayaa waxaa iyaga si gaar ah xanuun wayn ugu haysa in aad ugu bahdilanyihiin alshabaab dhexdooda waxaana ay ka gadoodsanyihiin ballanno lala galay markii la kala dirayay ururkooda oo aan la fulin iyo sidoo kale in xilalkii ay filayeen in iyaga loo dhiibo uu Axmed Godane u doortay horjoogayaal kale oo ka tirsanaa shabaabkii hore iyo kuwii xisbiga qaarkood.
Tusaale ahaan Xasan Daahir Aways waxaa uu filayay in uu ka mid noqdo ku xigeennada Godane ama uu qabto jago u saamaxaysa awood ciidan laakiin waxaa halkii uu isla rabay galay nin lagu magacaabo Mahad Karatay ee ay isku hayb yihiin si waynna ugu dhaw Axmed Godane isla markaana xiligaan ka mid ah ragga hawlgaliya maleeshiyada kooxda waxaa kaloo jira nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Kumaandoos oo isna ka mid ahaa kooxdii uu Xasan Daahir hugaaminayay oo ku biiray ragga barbartaagan Axmed Godane taas oo iyana sii yaraysay rajaddii uu ka qabay xil uu kooxda ka helo waxaana caradaas la wadaaga ragg badan oo ay isku koox ahaayeen kuwaas oo ay ka mid yihiin Cabdulaahi Cali Xaashi iyo Cabdi Fitaax Maxed Cali.
Marka aanu eegno kooxda labaad ee ka kooban shaqsiyaadka ka kala yimid xagga Puntland iyo ismaamulka Soomaalida Ethiopia waxaa ay ka kooban yihiin rag horay uga tirsanaan jiray ururkii Itixaadul Islaami ee markii danbe u xuubsiibtay Ictisaam laakiin waxaa ay ka falaagoobeen culumada xarakadaas oo ka soo horjeestay ficillada kooxda shabaab kuna tilmaamay kuwo shreeca diid ah ka dibna waxaa ay ragaas qaateen aragtida iyo ficillada kooxda iyagoo deegaannadooda ka bilaabay rabshado hubaysan sida aabulida maleeshiyaad la fikir ah oo ay ku qanciyeen in ay dadka ku gaalnimo xukmiyaan ka dibna laayaan iyagoo dhulka ku aasayay walxa qarxa si gaadmo ahna bistooladu ugu dilaya dadka magaca leh.
Ragas waxaa laga xusi karaa Xasan Max’ud Takar, Max’ed Ismaamiil iyo Cabdulaahi Raabi Jaamac Cabdi salaam iyo Cabdulqaadir Cali Muumin hawl gallo ay maamulada deegaannada ay ka yimaadeen ka sameeyeen ayaana ku qasbay in ay dhulkaas isaga soo tagaan in kasta oo ay wali ka hawlgalaan maleeshiyadkii ay marin habaabiyeen waxaana ragaan iyo kooxda uu hugaaminayo Xasan Daahir ay wadaagaan in ay ka falaagoobeen labadooduba xarakadii ay wax ku soo barteen ee Itixaadka oo hadda loo yaqaano Ictisaam iyagoo ugu danbayna amray in la laayo culumada ku abtirsata xarakadaas falkii ugu horeeyana waxay ku fuliyeen ilaah janadii haka waraabiyee Dr. Sh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa Aas aasayaashii culumadaas sida uu sheegay Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ka mid aha culumada waayan ee Ictisaam.
Kooxda sadexaad ee joogtay shirka Baydhabo waxaa ay ahaayeen kooxda uu hugaaamiyo Muqtaar Rooboow waxaana kooxdaasi la xusuustaa in ay cadaawad qotta dheer oo salka ku haysa xagga awoodda iyo maamulka ay kala dhaxayso horjooge Axmed Cabdi Godane isagoo taas ka duulaya ayuuna Axmed Godane bilihii ugu danbeeyay bilaabay siyaasad cusub oo uu aad ugu wiiqayo awoodda Muqtaar Rooboow waxaana talaabooyinka uu qaaday ka mid ah in uu ka wareejiyay Rooboow hawshii ku xigeenkiisa iyo in uu abuuray horjoogayaal ay isku hayb yihiin Godane si ay ugula loo lamaan deegaannada uu ka soo jeedo ninka ugu wayn ayaana ah Muqtaar Abuu Muslim oo isaga iyo Maleeshiyaadkiisaba uu Axmed Godane dul dhigay xarumihii u gaarka ahaa Rooboow iyo maleeshiyaadkiisa taas oo qasab uga dhigtay Rooboow in uu galo dhufays dagaal iyo mid siyaasadeedba.
Maadaama kooxaha ka qayb galay shirkaas ay dhamaantood isku arkaan dhibanayaal u dhaawacan Godane iyo taageerayaashiisa waxaa uu nuxurka shirku ahaa in ay iyana maleegaan khidad cusub oo ay ku argagax galiyaan Axmed Godane talada ugu haboon ayayna u arkeen in ay magac cusub abuurtaan iyagoo iska dhigaya in ay kooxda matalaan taas oo ay ka dhigeen imaaradda islaamiga ah ee Soomaaliya oo aanu hadda raali ka ahayn Axmed Godane.
marka laga tago badalista magaca kooxda waxaa jirta iyana dan kale oo wayn oo ay ka leeyihiin magaca laftiisa taas oo ah in ay soo rogaan amarro cusub oo ay ku sheegayaan in wax walba ay iyaga hoos yimaadaan cidii khilaaftana ay ku danbaabayso sidaasna ay ku sii banaystaan dhiigga dadka oo horayba ugu xireen aragtidooda waxaa kale oo ay isku arkaan isbahaysigaan cusub in ay iyagu yihiin kuwa leh taageerayaasha kooban ee shabaab sidaas darted ayayna shirkooda ugu magacdareen in uu yahay mid culumo iyagoo go’aanadooda ka dhigaya in ay tahay fatwo diineed oo culumo cidii diidan ay Alle uga fogaanaynso.
tani waa talaabo kale oo soo dadajinaysa khilaafka kooxda in uu ku sii durgo kala go’ muuqda kadibna dhala in ay dhexdooda maalin cad isku qalab qaateen iyadoo kooxiba kooxda kale ku gaalnimo xukminayso taas oo ay dadka yaqaanna taariikda kooxaha leexda aan ahayn wax lala yaabo waana calaamad ay sheegaan culumada islaamku in lagu yaqaano taariikhda Khawaarijta.`
Dhageeyso warbixinta oo maqal ah
↧
Faah Faahin Ku Saabsan Shirkii Shabaab Ee Baydhabo’Dhageeyso Warbixin Dheer’
↧