Wasaaradda Gaadiidka Cirka dhulka Badda iyo Dekedaha ayaa maanta qalab loogu talagalay shuruucda waddooyinka ku wareejisay hoggaanka ciidanka Nabadgalyada waddooyinka ee Taraafikada si loo dardar galiyo howlaha dib lagu soo celinayo shuruucdii waddooyinka caasimada dalka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Cismaan Cali ‘Dhagaxtuur’ oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay maanta guddoonsiiyeen hoggaanka ciidamada nabadgelyada wadooyinka qalab loogu tala galy sharuucda lagu marayo wadooyinka.
Sidoo kale agaasimaha wasaarada gaadiidka ayaa xusay in qeybta labaad ee qalabkan looga baahan yahay maamulka Goobolka Banaaddir si wax weyn looga qabto hoowlaha ay waddo wasaatada gaadiidka.
Arintan ayaa qeyb ka ah dadaalka ay wasaaradda gaadiidku ugu jirto dib u soo celinta sharcigii marista wadooyinka Muqdisho
↧
Wasaaradda Gaadiidka Oo Qalab Ku Wareejisay Hoggaanka Ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka
↧