Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Shiinaha Oo Ku Dhawaaqay In Uu Door Ka Qaadan Doono Dib Udhiska Dalka Soomaaliya

Muqdisho (RBC) War Murtuyeed ka soo baxay xafiiska arrimaha dibada Shiinaha ayaa si weyn loogu soo dhaweeya Booqashadii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midooban Baan Ki-Moon uu ku tagay Magalaada Muqdisho.
Shiinaha ayaa sheegay in door weyn uu ka qaadan doono dib udhiska dalka Soomaaliya sidaas waxa shaagay afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibada.
Liu Weimin oo ah afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibada Shiinaha ayaa u sheegay wargeeska Daily Press in tallaabo horumar leh ay tahay booqashadii uu dhawaan ku yimid xoghayaha guud ee QM uu ku yimid magaalada Muqdisho.
“Waxa aan siin doona dareenka xaalada Soomaaliya,” isagoo intaas ku daray Mr.Liu Shiinaha in uu rajeenaayo Soomaaliya in ay bixin doonto xiliga KMG iyo nidaam la’aanta la hartay, iyadoo yaqiinsandoonta sida ugu dhaqsiyaha badan in ay ku istaagdo wadada nabadda.
Xoghayaha guud ee QM Banki-Moon ayaa jimcihii horre booqasho taarikhi ah ku yimid caasimada Muqdisho, muddo 18-sano.
Bankii Moon ayaa sheegay in QM ay xafiiskeeda siyaasada loo soo guurin doono bisha dambe muqdisho, ka dib markii uu arkay xaaalda nabad-galyo ee caasimada oo uu sheegay in si tartiib ah ay ku soo noqoneyso.
Bankii Moon waa masuulkii sarre ee soo booqada Muqdisho tan iyo sanadkii 1993-xilligaas oo uu yimid xoghayihii hore Butrus-Butrus Khaali.
RBC-Radio
————
Xafiiska Wararka Nairibi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles