Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dagaal-yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo u gacan gallay Ciidamadda Dowladda Kenya

$
0
0

Dagaal-yahano lagu tuhmaayo inay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab, ayaa waxaa maanta gacanta ku soo dhigay Ciidamadda Dowladda Kenya ee ku sugan Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamadda Dowladaha Kenya, Soomaaliya iyo Raaskambooni, ayaa waxay maanta hawl-gallo balaaran ay ka sameynayaan deegaanka Taabto, kadib markii Xoogaga Shabaab ay xalay ku soo qaadeen dagaalo xoogan.
Ciidamadda Dowladda Kenya ayaa waxay suurta-gelliyeen inay gacanta ku soo dhigaan dagaal-yahano looga shakiyay Shabaab inay ka tirsan yihiin, isla-markaana waxaa laga xir xiray gacmaha.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaal-yahanadaan loo-qaaday Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, si loogu sameeyo baaritaano balaran, maadaama looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalama Gobolada Jubbooyinka.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in hawl-gallada maanta ka soconeysa deegaanka Taabto ay tahay mid balaaran, waxaase dhici kareysa inay gacanta ku soo dhigaan rag kaloo hor leh, oo Shabaab lala xiriirinaayo.
Inta badan Xarakada Al Shabaab ayaa waxay dagaalo ku qaadaa Ciidamadda Dowladda Kenya ee ku sugan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana labada dhinac soo kala gaaray khasaarooyin kala duwan.
Wixii kusoo kordha kala soco wararkayna dambe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>