Saraakiishii ka goosatay Al-Shabaab ee ku soo biirtay dowladda Soomaaliya ayaa maanta cadeeyay in aanay wax lug ah ku laheyn qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho kadib markii eedeyn u jeediyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.
Shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarun lagu xanaaneynayo ayaa waxay saraakiisheen sheegeen in aanay ka dambeyn qaraxyada, iyagoo dhaliil u jeediyay mas’uuliyiinta dowladda.
Saraakiishan ayaa waxaa ay sheegeen inaysan ahayn mid caqliga galaysa in ay iyagoo ka soo baxsaday Alshabaab agtoodana ay ku xukuma yihiin dil ay hadana u adeegaan Alshabaab.
Mid kamid ah saraakiishan ayaa waxaa uu sheegay in ay ka dambeeyeen sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa rag ka tirsan Alshabaab oo ku sugnaa magaalada Muqdisho balse ay iyagu marnaba samayn wax ka soo horjeeda dowladda.
Maleeshiyaadkan ayaa ugu baaqay dhalinyarada weli ka mid ah ururka Alshabaab inay ka soo tagaan ayna ku soo biiraan dowlada kumeelgaarka ah.
Dhowaan ayaa xildhibaan Salaad Cali Jeelle iyo guddoomiyaha degmad Wadajira Axmed daaci iyo general Yuusuf Indhocadde waxa ay ku eedeeyeen dhalinyarada ka soo baxsata ururka Alshabaab inay ka dambeeyaan falalka qarxinta ah ee ku soo batay magaalada Muqdisho.
Toddobaadyadii ugu dambeeyey ayaa magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay qaraxyada lala beegsanayo ciidamada dowladda iyadoo qaraxyadaana ay sidoo kale ku naf waayaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Qaraxyadan ayaa badankood waxaa sheegta inay ka dambeeyaan ururka Alshabaab oo ka soo horjeeda jiritaanka dowlada kumeelgaarka ah iyo joogists ciidamada ka socda Midowga Afrika ee ku sugan dalka Soomaaliya.
↧
Saraakiishii ka soo goosatay Shabaab oo beeniyay inay ka dambeeyaan qaraxyada Muqdisho ka dhacaya
↧