"Aqoonta cilmi ee diin iyo Jihaad kee hureeya"
Insaanku qiimo nolol wuxuu buxiyaa markii uu hadal hanto ku hadalka
erayaduna waxay siisaa macne ujjeedu. Fahanka macne ayaa keena in uu
isweydiiyo su'aalo una hanqaltaago baadi doon ka baxsan inta uu ku hana
qaadey. Baaritan caqli iyo isweydiinta su'aalo ba dhaxlsiiya u gudub
tijaabooyin leh ku faadhac iyo turaanturyooyin ilaa uu helo xarfad aqoon
si uu ku hantiyo kuna xakamiiyo natiijada. U dadaalku nafac adduun
kali ah kuma eka laakinse araga agagaarkiisa iyo hab dhiska qof
ahaantiisa ayaa ah baadi doon iyo su'aal. Tijaabooyinku waxay
dhaxalsiisa u gudub aqoon iyo baaritaan joogta ah oo ey garab socdaan
waayo aragnimo jeetaa ah. Aqoonta cilmi baa u noqota iftiin iyo fahan
in uusan jirin jiritaan aan laga danbeyn walow uu u saaro meelo khaldan ;
waayo aragnimaduna waxay u tahay keyd dahabi ah oo ilaaliya waqti kuna
ah xujo kan aan laheyn wax uu dib u jaleeco.
Adamigu aqoon cilmi ka bacdi baahidu waxay tustey in uu u baahan yahay
ku dadaal cilmi iyo howl si uu wax u sameysto yeeshana soo saar una
yeelo nidaam iyo barnaamij uu ku ilaaliyo waxa uu sameysto si ey'yan ogu
lumin kuna kharaabmin aqoon la'aan. Dhamaan wax aadame sameeyey yar
iyo weynba ma jiraan mid aan wadan malaf ama buug yar oo cadeyn u ah
sida loo isticmaalo loona xanaaneeyo. Buuga yar kan sameeyey alaad
ama baabuur iyo wixii ka yar ama ka weynba wuxuu ku qorey habkii loo
isticmaali lahaa oo ah saas u isticmaal hana yeelin saas ; yeel una
isticmaal saas. Waa muhiin in la hayo aqoon keyd buugaag si loo raaco
laguna hagaajiyo xumaane haddii lala kulmo laguna xanaaneeyo si uu u
waaro.
Manhajkaas ama buuga yar oo leh isbedelyo badan kuna xiran
huromarka cilmi iyo waayo aragnimada laga dhexlo waqti la soo
isticmaaley baa ah qiyaasta huromar ee adame gaaro kana gaaro itaalkiis
aqoon cilmi.
Akhriste kii abuurey insaanka una yeeley caqliga iyo dareen xasaasi ah
ma surowdaa in uu u abuurey iska abuur u jooga nolol iyo geeri.?
Macqool ma tahay in abuurista xaadkaas leh isla markaasna loo diyaariyey
dhamaan baahidiisa ka hur abuurkiis iyo inta uusan imaan dulka in uu
iskiis iska hantiyo wax walba ayado eysan ka dambeyn xikmad?. Miyeysan
ee su'aal ah waxaan yaa ka dhenbeeya ama abuursta yaa leh? Sida ku cad
furitaanka maqaalka mar haddii ey saas tahay oo adame uusan ogolaan
karin wax iskiis iska yimid oo aan laga dambeeyn. Isla mar ahaantaasna
jiritaan kasta uu u jiro nidaam ama jadwal buug ee loo raaco laguna
ilaaliyo wanaagiisa laguna saxo xumaantiis. Waa in isagu adamigu
ogolaada kuna gancaa in uu jiro abuure adami abuurey oo la yiraahdu
Illaah ; lehna xikamaddo u abuurey iyo buug uu raaco kan uu abuurey una
yahay Illaah iyo Rabbi waana diin tan xanbaarsan aqoontaas.
Aqoonta Illaah illaahnimadiisa ama diin iyo xikmadda ka danbeysa
abuuris insaan; ma ahaa mid adamigu caqli iyo cilmi u ku keeni karo.
Mana ahaa mid uu ku gaari karo aqoon iskiis ah aqoonta Illaah. In
adamigu barto jiritaan Illaah oo cilmiyeysan oo toos ah oo aan laheyn
leexleex waa mid uu Illaahey Isagu ka mas'uul yahay keligiis sida uu u
soo gaarsiin lahaa adoomadiisa. Mar haddii mas'uuliyadaasi tahay mid
saaran Illaahey waa in makhlooqu xaq ogu leeyihiin Illaahey in uu soo
gaarsiiyo manhajka uu u rabo ogana digo ciqaab kan muteystey iyo wuxuu
ku muteysan loona faahfaahiyo dhamaan xalaal iyo xaaraan.
Laga billaabo Nebi Aden swc wuxuu insaanku ahaa/yahay mid aan marna ka
bixin maamulka iyo rabiste Illaah oo ah kan abuurey ogna maslaxadiisa
iyo wixii anfac u leh. Waa in uur hooyo (rixim) yahay Illaahey kan ku
masawira abuurka qof sida uu doona akhri (suura Al-imran ayadda 5-6).
Waana kan uur hooyo ka soo sarey isago oo aan wax aqoon ah laheyn una
yeelay maqal , af iyo aragti ( akhri Suurt: Al-Nahli ayada 77-78)
< oo ah inta lagu hantu cilmi aqoon waxbarasho>.
Akhriste waxaa xujjo noga filin In Nebi Adam swc ugu hureyn la baray
wax walba magacyadood akhri(sura Al-baqara ayadda 30) inta aan la amrin
saas yeel saasna ha yeelin.
Nabi Mohammed swc waxaa lagu dhibey akhrin (akhri suura Al-alaq ayda
1) aqoonteed wana tusidda iyo muujinta qiimaha akhriska iyo aqoon
cilmi. Waa aasaaska ra'suulnimadiisa iyo xujada Illaah u dhiibey ma
qore ma akhriye loo xilsaarey gudashada iyo gaarsiinta kitaabka Illaah.
Nebi Mohammed swc waxaa la siiyey xujo joogta ah ilaa Illaahey amro
qiyaamaha wuxuu la yimid cilmi iyo xujo cad " Quraan". Macne kooban
dugsi Illaah buu Nebi Mohammed swc wax ku bartey kuna barbaarey
macalinkiisuna wuxuu ahaa Jibriil swc.
Fadliga cilmiga waa darjo ku cad risaalada ahna waajib barasho aqoon
inta aan la gaarin fulin waana buddigga waxyigii loo diibey Nabi
Mohammed swc ; ku sheegasho in Illaahey leeyahay abuurka adami isaguna
yahay kan barey aqoonta iyo qiimaha qalin. Aqoontu waa albaabka laga
galo cibaadu inta aan la fulin fulin cibaadu iyo Illaah u
dhawaansho. Sida Illahey ogu yiri Nebi Mohommed iyo Nebiyada dhamaan
" U ogow si cilmi ah i uusan jirin Illaah aan aheyn Illaahey".
Illaahey aqoon iyo cilmi la'aan kuma ciqaabo addoomadiisa , ra'suul
la'aan kuma xisaabiyo akhiro addoomadiisa.
Adamiga xaq looguma lahaa in lagu ciqaabo wixii uusan aqoon u laheyn
xaqna uma lahaa in uu side uu u arko iyo hawadiisa u fuliyo cibaadu
Illah. U ma lahaa xaq in uu ku cabiro casrigiisa. Xaalado adag iyo
waqti colaadeed ama abaar caameysey ummad midna ma beddelaan barnaamij
Illaah ogu tala galey in isaga lagu cibaadeystu hadaan laga helin xaalad
uu ra'suul fuliyey ama ansaxiyey ama khliifadii afarta. Dejinta
barnaamij cibaado oo ah saas yeel saasna ha yeelin iyo hab fulinta
laguma kalifin ee waxaa lagu kalifey in uu barto raaco fuliyo cilmiga
Illaahey u soo diibey ra'suul ama adeegi Illaahey doortey kuna kalifey
gaarsiinta barnaamij jadwal iyo hadaf Illaahey ka rabo una rabo aadamiga
oo ah in kaligiis la caabudo. Cibaadu waa xirmo fulin ficilo isku
xiran oo ah adoon u noqosho Illaah iyo fulin wixii uu amrey fulinteed;
lagana tago wixii uu amrey iyo dhamaan sidii uu u amrey ra'suulkiisuna u
gaarsiiyey ummadiisa. Cibaadu illah ma ahaa jihaad ah dil qax joogta ah
kuwa lagu fuliyana yihiin kuwa liita awood
ahaan.
Ra'suul weeye kan kallifaadu saaran tahay iyo sharaxa si loo gutto inta
kale waxaa ku waajib ah in ey raacaan habka Illaahey laga soo guuriyey
ra'suulna soo gaarsiiyey. Ra'suulku isaguna waxa khasab ku ah in uu
raaco sida Illaahey u soo gaarsiiyey waxyiga dhamaan ayadaha quraan iyo
sharax iyo caddeynba ;sida Illaah u yiri " U toosnow una raac sidii
lagu amrey" (suura Hud ayada 111-112) . Mar haddii tan carada iyo
ciqaab Illaahey loga badbaadi karo tahay cibaado ; Illaaheyna u soo
dhiibey ra'suul dhamaan aqoonta cilmi cibaadu iyo aqoonta hab fulin.
Waqtiyada iyo xaaladaha lagu fulinaayo oo dhameystirin ha noqottu
xaalado dagaal ama mid nabadeed baahina aan loo qabin in wax lagu daro
laheyna waasicin iyo furfurnaasho ka doon ; waa in ficil kasta loo
leeyahay aqoon iyo cilmi lagana soo guuriyey ra'suul xaalad kastana loo
celiyo ra'suulku sidoo yeeley ama fuliyey .
Ra'suuladu kama baxsana adamiga kamana gedisnaa abuuris waana isku
baahi dhinac walba qof ahaan. Baahida keentey ra'suul dad ah oo ka mid
ah adamiga waa qiyaasta garasho luuqad iyo fahan aragti muqaal iyo
jensi ee ka dhexeeya dadka ama insaanka. Sida darteed ra'suulka loo
soo diro weeye kan haga iftiimiya xaddida loogana deydu ficil sameynta
iyo gudashada aqoon iyo fahan manhajka Illaah ee ah cibaadu. Ogowna
raacista ra'suul baa ah cibaado weyn la'aanteed wax ma ansaxaan Illaahna
ma aqbalo. Sida Illaah ku yiri " Dheh haddii aad jeceshihiin Illahey i
soo raaca anniga waxaa idin jeclaan Illaah........................
Sheekh ama kooxo uma lahaa xaq in ey ku cabbiraan kuna qiyaasaan
fulinta cibaadu casriga ey ku nool yihiin waana in aan loo gafin illaah
oo aan xaaladaha beri/maanta jira laga dhigin mid ka qarsooneed kana
maqan manhajka Ilaah iyo aqoonta qeeyb. Kooxo hubeysan kuma koobi
karaan kamana dhigi karaan dhammaan cibaadu Illaah Jihaad ; kumana
gaaleyn karaan kii diida in uu qubo dhiig Muslim.
Nabi Mohammed swc waqti dheer buu ku baxshey iyo samir in caqiidada la
soo dhisu qalbigana lagu tallaalo si kan caqiidadiisu u dhisan tahay
diyaar ogu noqdu wixii axkaam ah iyo waajibaad ah
fulintood. Soo diyaargareyn iyo abaabul aqoon cilmi baa
kala saara waxa xun iyo wixii fiican. Barbaarin iyo dhagax dhig buu
ahaa wixii waxyi ahaa ee soo degey intii la joogey Macka oo dhan 13
sano. Waxyi kasta wuxuu lahaa munaasabad iyo bahi ah kor u qaadis
wacyi iyo iimaan.
Khamriga tartiib ba lagu xaraameeyey ; gabadhii sameysa galmo aan
sharci aheyn waxaa lagu billaabey in lagu xakameeyo guriga lana ceebeeyo
iyo kuwa ficilkaas la yimadaan in la karbaasho; ribadu waqti bey
qaadatey in la xaarantimeeyo ; jihaadka ummadda Somaaliyeed lagu
dhameeyey waxaa lagu amrey Nebiga in uu ku jihaadu quraanka laguna
sheegey jihaadka weyn akhri ( suura Al-furqan ayadda
51-52). Illaahey wuxuu yiri "ha ku keensanina gacmihiina
tahluko axsaana sameeya" akhri ( suura Al-baqara ayadda 194) Xukun ama
faral kasta wuxuu lahaa waqti ku munaasabsan dadkuna diyaar u yihiin
qaadashada iyo fulinta. Waxaa aad muhiim u ahaa in qaadashadu ama
rumeyntu iyo ku qanacu ka hureeyo kana muhiimsan fulinta xad xukun.
Dad Somaliyeed oo aqoonta diintu ku tahay nasab sheegasho waxay xaq u
leeyihiin in la soo dhisu aqoon caqiiqdu iyo dhamaan ilaa akhlaaq muslim
oo mumin ah la gaarsiiyo xaq ma ahaa in la xaaqo lana banneystu
dhigooda.
Ujjeedada oo ku kooban hal eray akhriste waxaa igu kalifey in uu
dheeraadu waa in maqalkii iyo dareenkii garasho uu naga dhamaadey
haddaan Somali nahay. Waxaa nasiib darro ah in eynaan wali helin sidii
eynu u fahmi laheyn eryada eynu u isticmaalno ku hadal af Somaaliga.
Waxaan shaki ku jirin in eynu nahay masaakiin leedatta isna xisaabin
kuna waayo qaadan jidkii dheera ee labaatanka sano ee eynu ka/ku
dhaxalney qori nin watta iyo qeel aan dhaafsiisneyn bishumo dhamac iyo
qalbi dhaneyste ; ma naxariiste xukun doon ah. Somalinimadu in ey noo
aheyd magac bixin aan dhafsiisneyn dallad eynu hoos harsanno oo kali ah
waxay caddaatey markii qabil loo kala baxey dhiigna
qubtey.
Tan maanta taagan kama duwana maxaa wacey Diinta islaamku waa inuu
dhaqan iyo dallad eynu ku sheeganno in eynu nahay ummad Islaam ah
100%. Kuwa sheegta in ey u adeegayaan Diinta iyo Illaah u dhawaansho
so ma ahaa kuwa nagu kadeedey adduunka marka saaxib maxaan ku gaarna
akhiro? Xalaaleysiga dil iyo qax loo geestu qof islaam ah ; weerar iyo
weerar celin aan loo kala saareyn shacab iyo mid hubeysan qeelna looga
doono kitaabka illaahey wax ku sheeg? Jihaadka Somalia waa baahi qab
waqti qofe ku xaajo gudanaayo meel gaarna u ah. Musiibada na heysatta
hurey ayuu ra'suulku swc nogana digey caalim aqoon leh khatarta uu
leeyahay.
Qol eynu ku tukannu ayaa la'aqiimey Salaaddii safka ayaa la istaagey
ninba nin ku yiri "akhi cirabta cirabta saar qoobka qoobka saar oo toosi
safka si aan sheydaanku noo soo dhexgelin". Ninkii baa ku jawaabey "
walaal meeshan careerika ah ee labo qoob dhexdhooda ah adiguba haddii
aad ahaan laheyd sheydaan ma geli laheyd e'leyn caqli baad leedahaye"?
Akhriste salaaddii lama tukan dagaal iyo wax aan fiicneyn baa dhaci
gaarey. Ma kan is-bidey daaciga ayaa khaldan mise kan la toosinaayey
mise habka loo isticmaaley toosinta ayaa khaldan,?
Jojoob iyo isu muuqaal aqoon oo la is tusey ama awood ciidan hubeysan
kuma dhismin kuma hana qaadin diintu. Waxa aad muhiim u ah in e'yan
diintu ku hana qaadin sida qofe u jecleysto. Tusaale
waxaa noogu filan canaantii Illaahey canaatey Nebi Mohammed swc markii
uu jecleystey in akhyaarta Qureysh uu ka hurmariyo indhoole muujiyey
baahi hanuun. (suura Ábasa)
Waxaa cajiib ah in quraanka haddii aad si fiican u feerisid aad
arkeysid in Illaahey baahi usan u qabin in dadku wada muslimaan oo
Illaah ey rumeeyaan isla markaasna uusan raali ka aheyn in lagu kufriyo
oo la caasiyo. Isaga kali ah ayaa sheegtey Illaahnimo iyo Rabbinimo ma
aragteen mid kale oo is muujiyey?
Nebi Ibrahim swc oo laga badbaadiyey hulac naareed ; ahaana ra'suul la
soo direy ogaana wax badan ayaa Illaahey weydeeyey " Rabbi i tus Sida
aad ku nooleyso meyd?" akhri (suura Al-baqra ayada 259). Nebi Zakariye
swc ayaa baryey Illaahey in uu siiyo ubad ; markii loo waxyoodey loona
sheegay in la aqbaley kuma ekaan ee wuxuu weydiistey in la tosu aayad si
uu ogu qancu!! akhri (suura Maryam ayada 1-10 ). Nebi Muse swc wuxuu
ka dalbadey adoon illaahey waxbarey in uu raaco waxna ka barto. akhri
(suura Al kahfi ayada 65 66) Nebi Ciise swc ayaa Illaah su'aaley "
ma adiga Ciisow ku yiri dadka ka digta aniga iyo hooyadey labo illaah
Illaah ka sokow ................... " ilaa Nebi Ciise yiri " haddii aad
cadaabeysid waa adoomadaada haddii aad cafinna adiga ah casiis xakiim
ah"? Waa in ey bannaatahay in wax la isweydiiyo lana fahan siiya
insaanka naxariista Illaah iyo naxariis tusidda ka buuxda quraanka iyo
in Illaahey wax ku fulan cadaab adoonkiis xaggii nimanku ka
mareen?
Waa su'aal yaa ka fa'ideysanayaa in shareecada lagu dhaqmo yaase amrey
in shareecada lagu dhaqo dadka yaase looga dayin hab ku dhaqanka
shareecadda? Waa shareeco lagu hirgelinaayo AK47 iyo waji duuban iyo
kuwa yeeshey heykal dowladnimo oo ka dhigtey gabasho. In
la amro wanaag lana reebo xumaan lana kobciye wacyiga aqoon iyo ku
kalsoonida iyo qaadashada hadalka Illaah yiri ama ra'suul ayadoo oo aan
la gaarin se shareecu ku dhaqan u hirgeli?
Si logu qanci xad aad u xannuun badan una foolxun sida in qof lagu
dilo dhagax inta kalana ku qanacdu aqbasho fulinta xadkaas Illaahey
amrey?. Meedey caqiidu in la dhisu lana soo ababiyo ilaa qof
caqiidadiisu noqotu mid aan shaki iyo walaac gelin? Maanta hub iyo
ciidan bu heysta kan shareecada khasbey e kuna gooyey lugo iyo gacmo
kuna diley dhagax ; haddii laga xoog roonaadu beri so ma ahaa khsaaro
iyo dulmi kan lagu fuliyey oo aan heysan xanaano? Diintu waa naxariis
iyo isu keenid qancin iyo u dambi dhaaf iyo raxmad ilaa kan aan
muslinka aheyn xaqiisu cad yahay oo aan lagu xadgudbi karin.
Jihaad so ma ahaa dadaal eray ahaan u hurid naf , maal iyo waqti in
aad ka meel gaartid howle. Maxaa diidey in quraanka lagu jihaadu laguna
waaniyo dadka lana baro xaqqa Illaah ku leeyahay iyo xaqqa ey ayagu dad
ahaan Illaahey ku leeyihiin iyo sida Illaah ogu amrey Nebigiisa kuna
sheegey quraanka Jihaadka weyn? Maxaa ka dhigey hannuunta iyo illaah u
dhawaansho in dhiig iyo qax loo maro? Dhibka iyo deefta yaa badan? Ma
xaq baa in jihaad la gelo marka kan lagu jihaadayo u ka khasaaro yar
yahay shacabka Somaaliyeed amaba uu ka badbaado? In ra'suulku swc u
xaaran-timeeyey in geed la jiro caruur iyo waayeelna la dilo ceelna aan
la xabaalo waqtiga jihaadka maanta Somalia lagu xaaqey ummad aan wax
galabsan kuna jirin dagaal bal meel saar?
Jihaad kaligii eray ahaan kuma arkeysid quraanka mar walba waxaa la
socda Illaah dartii marna jihaad qalalan oo kali ah meel uu quraanka
kaga jiro ma leh. Jihaad waa isdhifaac dagaal markii la diido in
Diinta la faafiyo la gaarsiiyo dad marna ma aheyn hab lagu kobciyo
xaqqana lagu ifiyo.
Waxaa aad cajiib u ah ayaddaan ee suuradda Al-nisa' ayadda 89 ilaa
dhamaadka wuxuu Illaahey ku yiri isagoo ka reebaya kuwa lagu jihaadi
kuwa aan lagu jihaadeyn ku yiri "aan aheyn kuwa gaaraaya dad uu idinka
dhexeeyo ballan idinka iyo ayaga ama idin yimaadaan ayagoo laabtoodu
qaadi weydey in ey idin la dagaalamaan ama la dagaalamaan dadkooda
;kuwaas haddii Illaah doono wuu idin ku salladi lahaa si ey idin kula
dagaalamaan; haddii ey ka waantoobaan dagaal oo ey nabad idin siiyaan
Illaah idin ma siin xujo cad oo qeel idin noqotta si aad kula
dagaalantaan" fadlan akhri ayadaas. Waxaa cajiib ah in ummad islaan ah
la laayo maalin iyo habeen Illaaheyna ku yiri ra'suulkiisa ha la
dagaalamin kuwa ballaan idin la leh. Waa cajiib in ballan kuwa aan
islaamin ku badbaadaan Somaliyana lago laayo maalin walbe
muslim.
There is no doubt that the Qurķan wanted Muslims to establish a
political order on earth for the sake of creating an egalitarian and
just moral-social order. Jihad is the instrument for doing so. Jihaad
waa ciidan sameyn difaaca iyo qabtaha wadan ama dul ; ee ma aheyn awood
islaamku dhexdiisu isku laayo.
Ibn Taymiya (1268-1328) ayuu ahaa kan gaarsiiyey in lagu jihaadu xaakim
muslin ah oo aan ku dhaqmeyn shareecada. Laga billaabo waqtigaas
jihaadku wuxuu galey aaladaha siyaasadeed ee lagu legdamo laguna gaaro
xukun.
Dhanbeyn waxaa xasuus mudan in Siyad Mohomed iyo jihaadkii uu qaadey uu
halaagsamey markii uu ku soo noqdey dadkiis. Waxaa xasuus mudan in
haddii eynu nahay Somaali qadarino wadaad ilaa eynu gaarney in la
yiraahdu " Bowdu wadaad taabtey cadaab ma aragtu". Waa awood xad daaf
ah mansab khaldan iyo ixtiraam khaldan . Kuwa maanta na rogey kana
billaabey dumis qabri miyeeyan ogeyn in sheekha leh qabriga ka sameystey
asaasna u yeeley iimaan ahaan iyo Illaah u dhawaansho in laga
barakeystu nolol iyo geeri isago aan u isticmaalin AK47 ama cabsi galin
oo aan ceedan kor keenin. Kuwa burburin qabri iyo xabad aan joogsaneyn
ka dhigey janno gal meysan ogeyn in wadaadadii ka hureeyey in ey
kasbadeyn rabista dadka ilaa qabrigooda lagu siyaarto sanad walbana lana
xuso. Saas waxay ku gaareen sheegashada u adeega Illaah iyo fidinta
diin. Waxa aan la fahmin in wadaad kasta oo caalin ah xaq loogu
leeyahay in la iska hubin karo laguna diidi karo ilaa la hubiyo waxa uu
wado. Kan aan wax lagu diidi karin lagana hubin karin eyna tahay khasab
in la raaco wuxuu ahaa Nebi Mohammed swc waana dintey ee qaata wuxuu ka
tagey lumi meysaan.
Wa Billaahi Towfiiq
Dhoore