Ciidamo ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegayaa iney caawa gaareen duleedka Hotel Weheliye ee magaalada Muqdisho iyagoo kala kulmaya iska-caabin adaga ciidamada AMISOM oo deggay meel aan ka fogeyn.
Dhammaan ciidamadii Dowladda KMG ah ayaa la sheegayaa in loo daad gureeyey dhanka hotel Jubba iyo waqooyiga Muqdisho iyadoo la isaga dhex baxay ciidamada AMISOM iyo Alshabaab oo haatan dagaal isu tegay.
Ciidamada Alshabaab ayaa la sheegay iney galabta qabsadeen xarun ey Ahlu sunnah ku lahaayeen Agagaarka siigaale iyagoo ku taamaya iney qabsadaan jidka Maka Almukarama oo muhim u ah dowlada taas oo sida lawada ogyahay loo aado madhaarka Adan Cadde international Airbort.
Si kastaba, dagaalka muqdisho ayaa galay weji cusub iyadoo aan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono.
Dad wax indha indheeya ayaa sheegaya in aan reer galbadkeedu ogolaan doonin in ururka Alshabaab la wareego madaxtooyada iyadoo muwaadiniin badan oo somali ahi ka welwelsan yihiin in ciidamada Itoobiya dalka dib ugu soo laabtaan haddii khal khal la geliyo kuwa AMISOM ee u badan Ugandeska.