Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Fanaanka Axmed Naaji oo Maanta Muqdisho Gaaray 21 Sano Kadib.

$
0
0

Fannaanka weyn ee Soomaaliyeed Ustaad Axmed Naaji Sacad ayaa muddo 21 sano ah kadib maanta dalka ku soo laabtay.
Ustaad Axmed Naaji Sacad oo ah Fannaan, Mulaxan, Musikiste, iyo Abwaan ayaa duhurnimadii maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib 21 sano oo uu dalka ka maqnaa.
Axmed Naaji oo ka mid ah faanaaniinta Soomaaliyeed ee xilligan nool kuwooda ugu da’da weyn ayaa hadana lagu xasuustaa kaalintii uu ka soo qaatay horomarinta fanka Soomaaliyeed.
waxaana sidoo kale uu sameeyay muddadii uu dalka ka maqanaa heeso farabadan oo wadani ah oo uu ku muujinayay sida uu uga xunyahay dhibaatada dalka ka dhacday kuna baraarujinayay ummadda Soomaaliyeed.
Fanaanka Axmed Naaji Sacad ayaa la filayaa mudada uu joogo Muqdisho in la kulmo fanaaniinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho.
Xigasho: Radio mogadishu


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>