Waxaan kawada dheregsanahay in dowladu ay qabato waxyaabo badan oo wanaagsan oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed ayna mudantahay in lagu bogaadiyo. Waxaana run ahaantii amaan usoo jeedin lahaa wasaarada war faafinta iyo shaqaalaheeda oo howlgaliyey tv,gii raadiyihii iyo wakaaladii wararka ee qaranka Soomaaliyeed ee SONNA laakiin hadana waxaa muuqdo waxyaabo badan oo aysan wali fari ka qodnayn iyo waliba waxaalo ay ku qaldanyihiin madaxda dowlada ayna tahay in aan kala talino ayna ka waantoobaan. Waxaan arkaynaa madax badan oo ku yimi habka 4.5 inay aad iyo aad uga gaabiyeen shaqadii uu qaranka Soomaaliyeed u igmaday ayna marar badan faraha kula jiraan shaqooyin masuuliyiin kale. Tusaalaha ugu horeeya ee uu qofkasta oo Soomaaliyeed oo wax garanaya uu aadka uga xunyahay ee aan soo qaadan karro ayaa ah gidoomkii barlamanka Soomaaliyeed ee xilka laga qaaday ka dib markii uu gidoonku iska xirtay barlamankii qaranka xildhibaanadiina uu kahor istaagay inay shaqadoodii xildhibaanimo gutaan. Taas oo keentay in barlamanku uu xilka ka qaado gidoomiyihii barlamanka iyo kuxigeenkiisii koobaadba. Taas oo ay madaxda ugu saraysa dowlada oo ay madaxweynaha iyo rai,sal wasaaruhu ugu horeeyaan ay u ole,oleynayaan in xilka lagu soo celiyo gidoomiyaha golaha sharci dajinta iyo kuxigeenkiisa kobad ka dib markii xilka looga qaaday xil gudasho la,aan.
Waxaan kawada dheregsanahay inaysan jirin cid qaranka Soomaaliyeed uga baahi badan in golaha sharci dajinta Soomaaliyeed uu shaqeeyo maadaama uu gole sharci dajin u yahay qaran ay dhamaan shuruucdiisii iyo hayadihiisii sharci dajinta iyo kuwii sharci/xeer ilaalintu toona aysan mudo badan shaqayn loona baahan yahay in lasameeyo sharciyadii ay dowladu ku shaqayn lahayd ee lagu kala hagi lahaa hayadaha kala duwan ee dalka Soomaaliya.
Habeen dhawayd ayaan anigoo daawanaya tv ka mid ah kuwa afka Soomaaliga ku hadla ayaan arkayey dacwad kasoo socotay dad ganacsato ah oo diidanaa canshuuro ama qidmado lagu soorogay laakiin uusan golaha sharci dajintu meelmarin shuruucdii lagu qaadi lahaa canshuurahaas, taas oo keentay in waaxda canshuuraha ee dowlada ee doonayey inay canshuurta qaadaan lagu xukumay inay gardaranyihiin maadaama aysan sharci ku socon oo uusan golaha sharci dajintu meel marin sharcigii canshuuraha lagu qaadi lahaa iyo qaabkii loo qaadi lahaa toona.
Taas oo kaliyana ma aha ee wax shuruuc ah oo inoo samaysani majiraan lagasoo bilaabo shuruucdii xeerka ciqaabta ee dadka lagu kala xukumi/ celin lahaa ilaa kii canshuuraha ama kii ganacsiga ama tirinta dadwaynaha. Dadka looga fadhiyo inay sameeyaana waa golaha sharci dajinta qaranka Soomaaliyeed ee iska xidhan madaxdiisiina ama gidoonkiisu uu ka bixi layahay dalxiiska ama uu maalin walba faraha kula jiro shaqo madax kale leedahay. Madaba maxaa lagu daayaa ninka shaqadaas laga sugayo, una dhaqmaya sida aan kor kusoo sheegay ama aan wada ognahay? Waa su,aal aan waydiinayo madaxda iyo shacabka leh hajoogo shariif xasan.
Waxaana xasuusin lahaa madaxda qaranka in umada Soomaaliyeed aysan wax dan ahi ugu jirin in dad aan shaqaynayni ay kuraasta qaab beeleed ku joogaan. Waxaana kula talin lahaa madaxda qaranka Soomaaliyeed inaysan ahayn inay biil kasugaan beesha caalamka oo kaliya ee ay sameeyaan habkii iyo shuruucdii dhaqaale looga qaadi lahaa dhulka gacanta dowlada ku jira ama ay dowlad goboleedyadu ka taliyaan si ay dowlada dhexe ay dhaqaale u hesho gacanta beesha caalamkana looga baxo, ciidanka qaranka Soomaaliyana ay mushaar u helan. Hadii kale waligeen sidan ayaan ahaanaynaa oo mahiige iyo beesha caalamka ayaa inoo talinaysa.
Qormadaan waxaa diyaariyey anigoo ah Abdiqani Jama Dharas. Wixii talo iyo tusaale ah iigu soo hagaaji ama igala soo xidhiidh ciwaankan abdikani.jama@gmail.com
Fikradu waxey u khaas thaay qoraaga
↧
Dhaliil iyo talo soo jeedin ku socota DKM ee Soomaaliya
↧