Image may be NSFW.
Clik here to view.Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa shgeegaya in deegaanada Camaara iyo Bacaad weyn ay ku dagaalameen beelo wada degan.
Dagaalkan oo inta la hubo galaaftay nolosha Hal Qof ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay mid kale wuxuuna ka dhacay baa la leeyahay barta loo yaqaan Baraako Ciise oo masaafo sodon KM ah dhinaca Galbeed kaga beegan deegaanka Bacaad weyn ee Koofurta Gaalkacyo.
Beelahan oo horay u dagaalamay ayaa waxaa dagaalkooda haatan dib u soo celiyay amaba uu ka bilowday sida la soo sheegayo weerar maleeshiyo ka tirsan beel ka mid ah beelahaas ay ku qaadeen Guri ay deganaayeen qoys beesha kale ka soo jeeda.
Nabadoonno dhexda u xirtay xakameynta Colaadan ayaa haatan u kala dab qaadaya dhinacyadan walooow aan weli wax xabad joojin ah lagu dhawaaqin.