Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Gudoomiyahii Gudida Dhakhtarka weyn ee Hargeysa Marxuum Maxamed Xuseen Caabi ayaa ku geeriyooday cisbital ku yaala magaalada London.

$
0
0

Tacsi!
Haddaanu nahay hawlwadeenada mareegta caafimaadka, waxa aanu tacsi weyn oo aan la soo koobi karin u diraynaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay, Ilaahay ha unaxariistee, marxuum Maxamed Xuseen Caabi , oo ahaa guddoomiyaha guddida dhakharka weyn ee magaalada Hargeysa. Waxa uu ahaa ruux fiican oo jeclaa in dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa, meel wanaagsan gaadho marka ay noqodto xaga horumarinta dhakhtarka . Intii uu guddoomiyaha u ahaa marxuumku, guddida dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa waxa uu meel wanaagsan gaadhsiiyey dhakhtarka. Waxa aan xasuustaa anigoo dhakhtarka magaalada Hargeysa jooga bishii maarsh ee 2011 la i tusay marxuumka oo markaa socda gudaha hore ee dhakhtarka, anigoon oo aan aqoon hore u lahayn
laygu yidhi ninka halkaa marayaa waa guddoomiyihii dhakhtarka Hargeysa, dadkuna ay runtii aad u amaanayeen sida uu wax uga qabtay dhakhtarka Hargeysa. Dhakhtarka magaalada Hargeysa ayaa ahaa gurigiisa 2aad. Ilaahay ha u naxariisto aamiin.
Bahda mareegta caafimaadka
www.caafimaadka.com
E-mayl: editor@caafimaadka.com
E-mayl:caafimaadka2011@gmail.com
Warkan hoosta ku qoran waxa aanu ka soo xiganay: SDWO
SDWO (London 04/01/2012) Gudoomiyahii Gudida Dhakhtarka weyn ee Hargeysa Marxuum Maxamed Xuseen Caabi ayaa ku geeriyooday cisbital ku yaala magaalada London.
Alla ha u naxariistee Marxuumku waxa uu u geeriyooday xanuun uu mudooyinkanba u jiifay. Marxuum Maxamed Xuseen Caabi wuxuu ahaa odaygii Marwo Samsam Cabdi Adan – Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhanbaal tacsi ah u diray ehelkii iyo asaxaabtii uu ka baxay marxuumku. Sidoo kale waxa tacsi tiiraaanyo leh u diray marxuumka Gudoomiyaha horumarinta ADEM ee akaadimiga horumarinta iyo waxbarashada dadka la hayb sooco Xuseen Ibraahim Xasan.
Gudoomiyaha SDWO Guled Cabdi Sheekhaash iyo dhamaan bahda SDWO.COM waxay geerida ku timid marxuumka ay ka tacsiyadaynayaan Marwo Samsam Cabdi Adan iyo dhamaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku inuu ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo, waxaanuna Ilaahay uga baryaynaa marxuumka inuu geeyo janadii fardoowsa.
Sidoo kale waxa tacsi na soo gaadhsiiyay Abdiaziz Shabeel iyo jaaliyada Somaliland ee magalaada JÖNKÖPING ee dalka SWEDEN.
Inaalilaahi wa inaa ilaahu raajacuun.
SDWO News Desk – London


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>