Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Horyaalkii 27-aad ee ciyaaraha fudud oo la soo xirey (Madaxda GOS oo ka hadashey) + sawiro

$
0
0

Sports-hobyonet)Waxaa galabta garoonka banaadir lagu soo gabo-gabeeyey tartankii horyaalka 27-aad ee ciyaaraha fudud kaasi oo maalmo ka hore ka bilowdey halkaasi.
Tartanka horyaalka 27-aad ee ciyaaraha fudud ayaa waxaa ka qeyb galay ilaa sideetameeyo ciyaaryahano oo isugu jira gabdho iyo wiilal kuwaasi oo ku tartamayey orodka, 100m,200m,400m,800m,1500m,5000m,iyo boodada sare iyadoo kooxo gaaraya lix kooxood ay u ordayeen ciyaaryahanada.
Xafladii gabo-gabada tartankaasi ayaa waxaa galabta ka soo qeybgalay madaxda Gudiga olombikada soomaaliyeed ee GOS,madaxda xiriirada qaarkood, sida kubadda cagta, k.koleyga ciyaaraha fudud iyo tababarayaasha ciyaaraha fudud ayaa waxaa ka hore la daawaday tartanka qeybihii ugu danbeeyey oo ay ku baratamayeen ciyaaryahanada orodka 200m.800m.iyo 5000m oo ah orod dheer oo 12 wareeg iyo bar lagu ordayey garoonka banaadir.
Waxaa halkaasi qudbado ku aadan tartanka horyaalka ka soo jeedisey Marwo Khadiijo aden dahir oo ah ku xigeenka xiiriirka ciyaaraha fudud, iyadoo sheegtey dadaalka xiriirkoodu ugu jiro horumarinta ciyaaraha fudud iyo sidii loo heli lahaa ciyaaryahano mustaqbalka guulo ka keena dibadda.
Ku xigeenka GOS ahna madaxa xiriirka caalamiga ee olombikada ayaa halkaasi si weeyn ugu mahadceliyey ciyaartoyda tartankaasi ka qeybgashey iyo xiriirka ciyaaraha fudud.
“Dhabtii waxaan u soo joogey furitaankii tartanka iminkana waxaan joognaa xiritaankii waana ii farxad anigoo idinku waaninaya inaad dadaalkiina halkaan ka sii wadaan” ayuu yiri.
Duraan faarax ayaa tusaalle u soo qaatey in dalka mareykanka uu maanta xukumo Madaxweyne Madoow ah, kaasi oo halku dhigiisu uu yahay “Yess we can” sidaasi darteed idinkuna waad gaari kartaan inaad ku guuleysataan world champion ama Olympic champion ayuu ku dhiirigeliyey ciyaartoyda halkaasi joogtey.
Gudoomiyaha GOS Aden x.yabaroow (Wiish) ayaa ugu danbeyntii halkaasi ka sheegey inay muhiim tahay in dhalinyarada laga soo jeediyo waxyaabaha xun xun muqaadaraadka iyo dagaalada ayna ciyaaraan ciyaaraha kala duwan.
Waxaa uu amaanay xiriirka ciyaaraha fudud oo uu sheegey inay muhiim tahay inay ku deydaan xiriirada kale ee jira, isagoo kula dardaartay inay soo celiyaan magacii ciyaaraha fudud somaliya ku lahayd.
“Waxaa inagu soo fool leh ciyaarihii olympicada aduunka oo dhowr bilood ka dib lagu qaban doono London, waxaana uga qeybgalaynaa dhinaca ciyaaraha fudud sidaasi darteed waxaan rajeyneynaa inaan helno ciyaartoy wanaagsan oo tartankaasi inoo metesha” ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyey Wiish.
Waxaa halkaasi lagu bixiyey abaal marino bilado iyo koobab isugu jira waxayna ciyaartoyda kaalimaha ugu kala guuleysteen:
Orodka 800M
1.C/dalla Maxamed Xuseen “Weah” (Heegan)
2.C/laahi Barre Kuulow (Heegan)
3.Ibraahim Axmed Aaden ( Jubba Air)
Orodka 1500M
1.Maxamed Xasan Maxamed ( Shabeelle)
2.C/laahi barre kuulow (Heegan)
3.C/shakuur Nageye C/lle (Heegan)
Orodka 100m
1.Ibraahim Xuseen jeylaani (Jubba air)
2.Mahad C/kariin C/lle (Jubba air)
3.Saleebaan Sh.bashiir (Heegan)
Orodka 200M
1.C/dalla Maxmed X. Weah (Heegan)
2.Ibraahim Xuseen Jeylani (Jubba Air)
3.Maxed Cali Tuure (Jubba Air)
Orodka 5000M
1.Maxmed xasan maxed (Shabelle)
2.C/shakur Nageye C/dulle (Heegan)
3.Ibraahim Yusuf Axmed (Shabelle)
Dhinaca Koobabka kooxaha dhibcaha guud
1.Heegan oo urursatey 43 dhibcood
2.Jubba Air oo urursatey 34 dhibcood
3.Shabelle oo urursatey 26 dhibcood.
FG:Sawirada Filo insha allah
C/xafiid C/samad Zaciimka
Zaciimka02@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>