Mudanayaal ka tirsan baarlamanka Soomaliya oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan Ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlayay sidii loo horumarin lahaa gobolkaasi iyo qaabka ay u garab istaagi karaan howlagallada ay Ciidanka xooggu ka wadaan dalka.
Xildhibaannadan maanta kulanka ku yeeshay hotelka Naasahableed 2 oo dhamaantood ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay xoreeynta Beledweyn, howlgallada ay ciidamadu ka wadaan gobolka iyo sidii loo taageeri lahaa howlgallada cadowga dalka lagaga xoreynayo.
Xildhibaan Ibraahim Xabeen Nuur oo ka mid ahaa Mudanayaashasi ayaa warbaahinta u sheegay waxyaabihii looga hadlay kulankaasi oo ay ka mid ahaayeen iyagoo mudanayaashu si diirran u soo dhaweeyay booqashadii R/wasaaraha iyo wafdigiisu ay shalay ku tageen Beledweyne kuna tilmaamay mid taariikhi ah oo dhiiri gelin u ah shacabka reer Hiiraan.
Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen shacabka reer Hiiraan in ay isgarab taagaan howlgallada ciidamada XDS ay dalka kaga xoreeynayaan malleeshiyaadka shabaab isla markaana ay gacan ka geystaan sugidda amaanka gobolka iyo guud ahaan dalka oo dhan waxeyna ku booriyeen shacabka in ay ka hortagaan fal kasta oo liddi ka ah amaanka.
Booqashadii R/wasaare C/weli uu shalay ku tagay beledweyne isaga iyo wafdi uu hoggaaminayay kadib ayaa waxaa isa soo tarayay taageerada ay Booqashadaasi u muujinayaan qeybaha kala duwan ee shacabka iyo xildhibaannada Baarlamanka.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
↧
Mudanayaal Ka Soo Jeeda Hiiraan Oo Soo Dhaweeyay Booqashadi R/wasaaraha Iyo Wafdigiisu Shalay Ku Tageen B/Weyne
↧